Kooxda Chelsea ee ka dhisan London ayaa Ku Horkaceysa 9 dhibcood oo Nadiifa Horyaalka Ingiriiska 2012-2013 ka dib Markii ay Kulankoodii 3 oo ay Caawa ku Martigaliyeen Garoonkeeda Stamford Bridge ku suuldaareen 2-0 kooxda Newcastle.
Kulankaan oo ay Xidigaha Blues Gacansareeyeen ayaa waxaa Qeybtii Hore Bilogeedii u daahfuray Gool Rigoore ah Xidiga Qaranka Biljam 17 Hazzard ka dib markii Rigoore lagu Galay 9 Toress.
isla Toress ayaa ku aamusiyay qeybtii hore ee ciyaarta intii aysan dhamaan Goolkii 2 Kooxda Newcastle oo ay 2 fursadood oo muhiima ka kala qasaariyeen qeybtii hore iyo tyii danbe 2 weeraryahan ee Reer Sanegal.
qeybtii danbe waxba iskama Badalin ciyaarta waxaan xiligii loogu Tala galay ay ku dhamaatay Chelsea oo 2-0 isaga reebtay Newcastle sidaaan 9 dhibcood ku Horkacday Horyaalak Ingiriiska 2012-2013 waxana ay Kooxah kale dheer tahay 1 ciyaar.
Kaalinta 2 ee Kala sareynta Xaga dhibcaha waxaa soo hiigsatay Kooxda Swansea oo wali wax gool ah aan laga dhalin Galabtana 3-0 ku dirtay West Ham waxaana ay leedahay 6 dhibcood
Kooxda Man utd ayaa iyaduna 3-2 ugu Badisay Fulham oo Todobaadkii ugu horeweyay wacdaro dhigatay kuna soo badisay 5-0,waxana Galabta Gopolkii ugu Horeeyay Man Utd u Daahfuray 20 Van Peirse oo shabqa ku Laxamay kubad aan dhulka taaban kaasoo ahaa goolkii Barbardhaca oo ay Man utd ku Barbareysay Fulham oo Marti u aheyd.
2 gool ee kale ee Man utd waxaa u kala dhaliyay Kagawe iyo silva qeybtii hore iyo tii Danbe ee Ciyaarat iyadoo goolsha ay Fulham dhalisay kii danbe uu ka dhaliyay Kooxdiisa Difaaca reer Serbiya ee Vidic oo in mudo ah dhaawac uga Maqnaa Man utd.
Man utd waxa ay leedahay 3 dhibcood,sidoo kale kulamdii Galabta la ciyaaray Totenham ayaa Barbaro 1-1 la gahsya West Brom, Norwich iyo QPR waxa ay isku Macsalaameeyeen 1-1,sidoo kale Aston villa ayaa Guuldaradii 2 dhabarka loo galiyay waxaan Gurigeeda ku Booqatay kagana badisyay 1-3 Kooxda Everton.
waxaa kaloo Ciyaaray Kooxda Southampton vs Wigan waxaana 2-0 ku Baidyay Kooxdii Martida aheyd ee Wigan.
waxaa la baajiyay Kulan ay ku Balansanaayeen Kooxaha Sunderland vs Reading.
Horyaalka Ingiriiska 2012-2013 fari kama qodna waxaan lagu jiraa bilowga Kulamdiisii ugu Horteeyay Lugta 1 ee xili Ciyaareedkaan.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login