Akhriste qaab qoraalkaan waxuu u sameysanyahay sidii riwaayad haseyeeshee wuxu ku saleysanyahay dood qaran oo muujineysa xaaladdaa Soomaaliya, wuxuuna ka koobanyahy qyebo taxane ah oo labo ama saddex bog ku soo baxaya marwalba. Magacyada aad halkaan ka akhriyidoontid qaarkood waa sarbeeb ka soo jeeda magac qof jira.
Waxay soo jiitantaba Odayaal dhaqmeedkii Soomaalidu waxay soo saareen magacyada xubnaha baarlamanka intoodii badney. Waxaa dib loo celiyey xubno badan oo magacyadoodu caan ahaayeen, ayagoo loo diiday inay soo galaan barlamaanka. Waxaad moodaa arrin rabbani ah in ceqaabtii ugu horreysay ay ku dhacday dagaal oogayaashi soomaaliya, sikastoo uu ugu dadadaalayna madaxweynihii hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed in aan la celin ama aan laga xayirin xildhibaanimada ragaas badankood caanka ku noqday dagaal ogayaasha labaatankii sano ee qasku ka socday Soomaaliya. Shiikh shariif wuxu ku andacooday oo fagaare ka sheegay asaga oo kaashanaya Amb. Mahiga in aan maxkamad sharciyeeysani dambi ku ridin ragaan guddiga farsamadu takkooray, xaqna u la-hayn guddigu inuu u diido xildhibaanimada. Haseyeeshee uma jixinjixin guddigu baaqaas Sheriifku soo jeediyey oo raggiisa u doodayey. Diiriye Hingo oo siiwada bariitiisi siyaasadda Muqdisha ka socota ayaa shalay soo fariistay maqaayadii fadhixun ee Isli (Eastleigh) ku taalay asaga oo soo dhegeystay BBC, maqlayna baaqii Shiikh Shariif. Waxaa intuusan shah dalban Diiriye Hingo soo galy maqaayaddii oo la soo fariistay Carte oo xinraagaya carana ka muuqato wajigiisa.
DIIRIYE HINGO: War Carte nabadu ma jirtaa?
CARTE: Nab! Afkaase u bartay dareen iiga weyn ma jiro diyuuraddi saakay la iga reebay.
DIIRIYE HINGO: Maxaa dhacay? See lagaaga reebay?
CARTE: Waxaan tuhmayaa in ay ka dambeeyeen rag iga baqayey in aan ciiri ku geliyo tartanka madaxweynenimada.
DIIRIYE HINGO: War Carte dayuuradahaan Kenya oo rakaabka u baahan haddi kursi ka banaanyahy ama aad xajisatay tikitkaaga qof-ba igu diray caqli ma ahane ii sheeg runta.
CARTE: Wallahi in aysan waxkale ahayn. Anoo lacagteyda wado labaatan qof-na aysan joogin meesha ayaa la ii-diiday in tikit la iga gado oo la igu yiri waa buuxdaa dayuuraddu.
DIIRIYE HINGO: Wataas Soomaali ilbexeedii 20ka sano Yurub joogay! War diyuurad aadan horay u xajisan oo aadan tikitkeedii goosan sideebaad ugu tashatay in aad raacdo marka-horaba, hadan ugu tuhuntay cidkale in ay kadambeysay wayitaanka gursigeeda?
CARTE: Dayuuraddu waa marney oo 20 qof keliya ayaa meesha fadhiyey, awalna waxaa la ii sheegay in aan gagida dayuuradaha iska xaadiriyo anoo lacagteyda wata, kursina aanan waayidoonin, maxaajira inta badan waaba maranyihiin dayuuraduhu. Tuhunkana waxaa igu dhaliyey nin ragga tartamaya ka mid ah ayaa igu handaday in aanan Nairobi ka soo bixidoonin Xamarna lug soo dhigidoonin.
DIIRYE HINGO: War nin yahow bal adugu is-dhegeyso, madaxweyna waad u tartameysaa ilabaxnimana waad sheeganeysay, waxaad ku hadleysaana nin wayn warkiis ma aha. Bal dayuuraddu intay la’egtahay ama tirada rakaabka ay qaadi karto miyaa lagu sheegay inay 5 ama 20 ama 100 qof qaadikarto? Anigu waxaan kugula talinayaa in aadan ariintaan qofkale u sheegin markaan quraacannana waxaan aadeynaa meesha tikityada laga goosto si aad berri u dhooftid ilaan doorashadii madaxweynaha waxba kama harine.
Ayagoo Diiriye Hingo iyo Carte gacanta kula jira quraacdii ayaa waxaa soo galay makhaayaddi saaxiibadood Cabdullahi iyo Bile oo quraac ayana soo doontay.
BILE: Salaama caleykum…., warma meeshaad ku hoyateen maxaa saacaddaan makhaayadda idin keenay?
DIIRIYE HINGO: Waad salaamnatihiin saaxiibayaal, waxaana makhaayadda na keenay saacaddaan wixii idinka idinkeenay…..kkkk……. kaftanka ka sokow aniguna wax yarbaan seexdaa sidii aan u akhristayba buug uu qoray nin aan seexan illa dagaalkii labaad ee dunida oo sargaal dhalinyar ahaa. Wuxuu sargaalkaasi buugiisa kaga sheekeeyey 20 casho markii uusan indha isgelin, xabbadaha iyo madaaficiida goobtuu joogay ka dhacaysay awgeed, in oogadiisu illowday hurdadii. Dagaalkii markuu dhammadeyna uu sii watay hurdo- la’aanti. Buugisa wuxuu ku xaqiijieye in oogadu nasasho u baahantahay, hurde-se ka maarmi karto. Carte-na dayuuraddu raacilahaa-baa ka tagtay oo saas buu asna makhadda ugu soo leexday ee maxaa idinka idin soo kallihiyey xalay waadba qayileyseene?
Bile: War bal buugaas ii raadi in aan ka helo waxaan hurdada uga kaaftoomo!
CABDULLAHI: Aniga hurddadiiba waa iga tagtay saan isha ugu hayey shaabakadda warbaahinta iyo diridda telfoonada Xamar, maxaajira walwal weyn-baan ka qabay in aan saaxiibaday soo gelin barlamaanka.
CARTE: Haatan ma soo gelen? Yaase kuugu darnaa in uusan soo gelin?
CABDULLAHI: Baddankood waa soo galeen nin la soo celiyey iyo mid aan la soo magacaabin mooyaan. Waxaanse la rafaneynay beryo dhan saaxiibkeen Cabdi Bafto sidii uu ku soo gelilahaa.
DIIRIYE HINGO: Cabdi Bafto gabar-baa looga saaray oo uu mesheedii galay baan maqlayey ma runbaa?
CABDULLAHI: Waa run.
CARTE: Aniga walwalbaa igalay markii la yiri dagaal oogayaashii canka ahaa oo dhan waa la reebay.
DIIRIYE HINGO: Oo maxaad u walwashay, inaad faraxdo bey ahayde!?
CARTE: Diiriye Hingow adaa iga badisaa ninmakaas, oo waa niman intoodaban naxariis waddan iyo Soomaalinimo ku jirto ma aha. Qabiil aysan dan u hayn ayey marwalba ku qaraaban-jireen inay difaacayaan, arrintaas bey dib u soo bilaabikaraan haddii haatani la qaawiyey.
BILE: Horta ninmaka yaa reebay? Ma odayaal dhaqmeedka ayaan soo gudbin magacyadooda mise cid-kalaa Isbaaro u dhigatay dagaal oogayaashii?
DIIRIYE HINGO: Qolaa Ilaahay u soo diray oo Isbaaraday dadka u dhiganjireen u dhigatay..kkkkk… Odaayaal dhaqmeedka waa raggoodii oo cid ay ka jecelyihiin maba jirto ee guddiga farsamada aya Isbaarada u dhigtay, beesha caalamkuna raali bay ka ahayeen Isbaaradaas oo korka ayey ka ilaalinayeen.
CABDULLAHI: Oo dadka la reebay qaar aan dagaal oogayaal ahayn baa ku jiree see bay ku dhacday?
DIIRIYE HINGO: Intaanan taas gelin waan kaaga jawaabidoonaaye aan dhammeyo arrintii uu walwalka ka qabay Carte ee dagaal-oogayaashu in ay fidno kale bilaan haddi la reebay. Beesha caalmku waa soo jeensatay waad maqleyseen madxweynayaasha wadamada deriska ahi ay ku dhawaaqeen in xirxidoonaa cidii fidmo-dame ka sameeysa Soomaaliya. Xoolahooda iyo saffaradoodana la xayiridoono ayaa la is-ku afgartay. Shalay waad maqleyseen Prof. Ibbi xilo dalaaqa ka dhaciyey in uusan handadin xubin guddiga farsamada ka mid ah sidaasna looga reebay xildhibaanimadii. Xagee joogaa marka nin qori qaatay? AMISON-baa dhegaha ka garaacey inta laga dhisayo ciidan qaran oo Soomaaliyeed.
BILE: War handaadaas beesha caalamku waa sameynjireen awalba cid dheg u jalaqsiinjirteyna ma jirto oo dagaal-oogayaasho howshooday wadanjireen.
DIIRIYE HINGO: Maya, maya, war arrinti hore laga bax. Musuqmaasuq-baan socondoonin xabbado iyo qoryo qaadasho daaye. Carrada markaan keligeen ahayn bay raggani baar lahaayeen hadda Turkiga xoolixiisa gelinaya Soomaaliya oo doonaya in uu wax dhab ah u qabto dalkeena ayaan yeeleyn cid shacabka dibindaabyeysa ama Isbaaro-dambe dhigata waddoyinkay dhisayaan. Kun will oo NATO tababartay qalabkooda dagalkuna u dhanyahay baa waxaan oo dhan ku filan. Dhagahaa la iska raacayaa wixii hadda ka dambeeya, waana ogyihiin in aan loo turidoonin maal iyo naftoona.
CABDULLAHI: Beesha caalamku sootay ku dhaaranaysay haddan gabdhaha la siin30% xildhibaanada wax ragga ah oo socondoona in aysan jiridoonin, beeshii aan keenin qeybtii gabdhahaa la xayiridoono raggooda. Hadana waatan la dhaariyey xildhibaanadii beelo badanna gabdhihii 1% xatta kuma soo darin; beesha Daarood ha ugu darnaatee oo ayagu hal gabara ah oo Awrtable ah keenay. Marka warka beesha caalmaka dib ha loogu noqdo waxaad moodaa in uu ilko la’yihay iskana hadaaqaan oo keliya.
DIIRIYE HINGO: Arrintaasi waa sad bursiga melwalba dunida raggu ka wadaan siiba arrimaha siyaasadda, marka fidno ma ah iyo dagaal oogid. Sidaad ogsoontihiinna wadamada horumaray baysan ka dhicin weli in 30% laga siiyo dumarka xukuumadaha iyo baarlamaanka toona. Waxaan umaleynayaa in ay rabeen si loo helo 10% dumarka in tiro badan (30%) la shaaciyey oo laga codsado odayaal dhaqmeedku in ay soo sharraxaan30%. Beesha Daarood-kuna waxay u keeniwaayeen tiradii dumarka ku soo aadantay arrintaas bay hoos ka ogaadeen dabadeedna 10% beelaha kele ayaa ku filan oo keenaya ayey iska dhadhiciyeen.
BILE: Diiriye Hingow adaa barista siyaasadda wadaye, maxaad u maleyneysaa jagagooyinka sare iyo cidda qaadaneysa?
DIIEIYE HINGO: Nin-baa yiri Cadanna anaga tagney oo arrintaas waa la iskuwadaraacay. Hadda waxa la isku raacay in madaxweynaha iyo ra’isul wasaaraha ay ku miilaysanjireen laba beelood keliyahu ay maantay kala qaadandoonaan afhayeenka baarlamaanka iyo ku-xigeenkiisa.
CABDULLAHI: Diiriye Hingo hunguriga iyo jaceylka labadaas beelood waad taqaane ma u maleyneysaa in ay ku qanci-doonaan Afhayeen iyo ku xigeen.
DIIRIYE HINGO: Waa aqaan, lakiin xirfad baa loo degay, oo dad caan ka ah beelahaas baa loo sharraxay ra’isul baarlamaanka iyo ku-xigeenno. Haddi ay ku guuleystaanna jagadaas mid kale kuma darsankaraan.
BILE: Oo illaan sidaas buu Shiikh Shariif u codsanayey in la soo hormariyo dorashada Madaxweynaha.
DIIRIYE HINGO: Haddas heeh! Qissadaas ayuu gartay oo wuxuu meesha ka saarayey in nin beeshiisa ahu afhayeenka baarlamaanka noqdo, asna sidaas madaxweynha ku waayo.
CARTE: Ka warran arrinta dhimashada Melez Zennawi iyo Soomaalida dhalliyarada iyo aqoonyahannada u dooratay baarlamaanka, hogganka sarena suurowdo in la baddalo, maadaama tuugo iyo musuqmaasuq lacageed beesha caalamku ku soo oogtay madaxda sare ee u taagan doorashada madaxweynaha?
DIIRIYE HINGO: Arrintaasi faalo dheer bay u baahantahay oo fadhigeena dambaan gelieynaaya ee ina keen Cartow xafiiskii dayuuradaha wa la furaye.
Waxaa daba socda qeybtii Kow-iyo-tobnaad | Jangelione@yahoo.com
__________________________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login