Eedeen kulul oo loo jeediyay Ugaaska Beesha Murusade

Waxaa soo baxaya Musuq maasuq badan oo la sheegay in uu ku kacay Ugaaska Beesha Murusade Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi (Fara-cadde) taa oo ka imaaneysa Qeybaha kala duwan ee Beesha Murusade.

Odayaasha Dhaqanka Beesha Murusade ayaa eedemo kulul u jeeday Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi (Fara-cadde), waxaan Ugaaska lagu eedeeyay in Musuq maasuq iyo wax isdaba marin badan kusameeyay Xildhibaanadii beesha ku laheed Baarlamaanka Soomaaliya dadka qaarkoodna lacago Laaluush ah  ka qaatay.

Nabadoon Yuusuf Axmed Max’ed Bootaan oo kamid ahaa Odayaasha Dhaqanka ee soo Xulaya  Xubnaha Baarlamaanka Soomaaliya umatala Beesha Murusade ,sidoo kale ahaa Odayga Beesha Sabti ayaa sheegay in la wado Qorsho xilka looga wareejinayo Ugaas Cabdulaahi maadama uu ku xadgudbay dhaqankii uuna noqday Nin Musuq maasuq la darsay.

Waxaa sidoo kale Nabadoon Bootaan sheegay in Beesha Cabdalla Sabti Xubinta Baarlamaanka Soomaaliya ay u mataleyso Maryan Cariif Qaasin loona dhaariyay xilkaasi hadalka uu sheegay Ugaas Faracadana uu yahay mid aan micno laheyn Kursiga beesha la matalayo.

‘’Maryan Cariif waxa ay heesataa Kalsoonida Beesheeda waxaana soo gudbiyay Odayaasha dhaqanka Beesha Cabdale, waana la dhaariyay waana Xildhibanaad rasmi ah oo Baarlamaanka kamid ah ,cid badali kartaana ma jirto ‘’ ayuu yiri Yuusuf Axmed Max’ed Bootaan.

Hadalka Nabadoonkan ayaa kusoo aadaya xili Shalay Magaalada Muqdisho uu ka sheegay Ugaas Cabdullaahi Ugaas Xaashi (Fara-cadde) in Xubinta Beesha Cabdala Sabti aysan matali Karin Maryan Cariif Qaasin odayashaana aysan Gudbin balse eex iyo Musuq maasuq dhinaca Gudiga Farsamada aay meesha ku tagtay laguna dhaariyay.

Eedan hada loo jeediyay Ugaaska Beesha Murusade ayaa kusoo aadeysa xili, Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ee soo xulaya Baarlamaanka Soomaaliya beelahooda ku eedeeyeen in eex iyo Musuq maasuq badan sameeyeen.

_______________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 25, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Eedeen kulul oo loo jeediyay Ugaaska Beesha Murusade

  1. Ugaasnimada waxaa ku heshay sabarkii Beesha Cabdale sabti taariqda dib u raac. Ugaasnimada waxay ahaan jirtay Kaltan wareego balse Odaygii Cabdale Sabti baa aqbalay in kaltankiisa la siiyo Reer Ugaas taaso keentay in markii dambe loo caleemo saaro. Maanta waxaa go,aan cad ka qaatay in ugaas cabdulaahi yahay Xaaraan ku naax, baqtiga cuno. Dhamaan Deegaanka ee degto beesha Cabdale Sabti sida Coosweyne,, Ceel Cade, Marasle, Biyoole, Galhareeri,iyo Muqdisho, Waxaa kaloo shir deg deg ka dhaci doonaa London, America, canada. Beesha Sabti oo curad u ah Cabdale Sabti waxay go,aansadeen in kalsooni dambe la siini Ugaas Cabdulaahi Faracade.