Kismaanyo oo faaruq taageyso & AMISOM oo kusii food leh

Dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa saaka baneeyay magaalada xeebta ku taal ee Kismaayo, halkaasoo saacadihii u dambeeyay dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo xiisad dagaal laga dareemayay.

Sida wararku sheegayaan dadka deegaanka ayaa bilaabay inay ka barakacaan magaalada, iyagoo u cararaya duleedyada iyo tuulooyinka, si aan dagaalada dhibaato uga soo gaarin.

Gaadiid dagaal ay lahaayeen Shabaab iyo alaabtooda ayay kala baxeen xalay magaalada, markii ay ka war heleen in lagu soo wajahan yahay, waxaana magaalada ka jirta xaalad dagaal.

Ciidamada Kenya ee qeybta ka ah Amisom iyo ciidamada dowladda ayaa ku soo wajahan magaalada, kadib markii ay ka soo ruuqaansadeen deegaanadii ay ku sugnaayeen ee duleedka magaalada.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadan ay taageerayaan diyaarado dagaal oo joog hoose ku duulaya, qaarkood ayaa saaka lagu arkay nawaaxiga magaalada Kismaayo.

Ciidamada Kenya iyo kuwa dowladda ayaa mudooyinkii u dambeeyay qorsheynayay inay la wareegaan magaalada muhiimka ah ee Kismaayo, halkaasoo Al-Shabaab ka talinayeen saddexdii sano ee u dambeeyay.

Kismaayo ayaa aheyd magaalo dhaqaale badan ka soo galayay Shababa, iyadoo Dekeda Kismaayo ay aheyd isha dhaqaale ee ugu weyn, waxaana haatan qorsheynaya inay la wareegaan ciidamada is xulufeysanaya.

______________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 25, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.