Maalinta Talaadada oo ku beegan 28-da bishaan waxaa lagu wadaa in ay dhacdo doorashada Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya hadaba guddiga doorashada ayaa soo bandhigay liiska xubnaha u taagan xilka Gudoomiyaha iyo labda Guddoomiye kuxigeen.
Sidii aan horay idiinku sheegtay xilka Gudodomiyaha waxaa u taagan 6-musharax, Guddoomiye kuxigeenka koowaad waxaa u taagan 9-musharax, halka Guddoomiye kuxigeenka labaad ay u taagan yihiin 3-musharax oo keliya.
Akhriso Magacyada Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha
1) Prof. Cali Khaliif Galeyr
2) Prof. Maxamed Cismaan (Jawaari)
3) Prof. C/risaaq Cismaan Xasan (Jurile).
4) Xasan Abshir Faarax
5) Cabdi Xaashi C/laahi iyo
6) C/rashiid Maxamed Xidig.
Akhriso musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiye kuxigeenka koowaad
1) Cawli Ibaarhin Muudey
2) C/dalla Boos Axmed
3) Maxad Cali Xagaa
4) Tahliil Cabdi Maxamed
5) Bashiir Maxamed Jaamac
6) Siciid Maxamed Cali
7) Prof. Maxamed Cumar Dalxa
8) Jeylaani Nuur Iikar
9) Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.
![]() |
You must be logged in to post a comment Login