Wargeyska The Friday Times ee dalka Pakistan, ayaa maanta qoray inay jiraan Warar dhinaca Mubaaraadka oo Ardayda Soomaalida ee wax ku barata dalkaasi yihiin kuwo Al-shabaab loo tababarayo.
Ilo dhinaca Sirdoonka ayaa sheegay in Arday Soomaali ah oo tiradooda u dhexeyso 5,000 ilaa 8,000 Arday ayaa wax ka barta Jaamacadaha ku yaalla dalka Pakistan, kuwaasi oo badankooda wax ka barta Kulliyadda Caafimaadka (Medicine and Pharmacy Colleges).
Sarkaal ka tirsan Hay’adda Sirdoonka ee dalka Pakistan ‘The Intelligence Bureau (UB) ayaa sheegay inaysan Tallaabo kale qaadi karin, balse ay ku hawlan yihiin inay diiwaan-geliyaan Ardayda Shisheeyaha ee wax ku barata dalka Pakistan.
Wargeyska Jimcaha ka soo baxa dalka Pakistan waxa uu kaloo uu maanta qoray inay 2 arday Soomaali oo Soomaali ah oo magaalladda Karachi ka yimid la arkay iyagoo dhaqaale iyo shaqaaleyn loogu qortay si ay uga mid noqdaan Maleeshiyadda Tehreek-e-Taliban Pakistan si ay Falal Argagisio uga fuliyaan gudaha Qaaradda Europe.
Ilo Mukhaabaraadka ayaa sheegay in Labada Arday ee Soomaalida lagu soo tababaray Xerooyin ku yaalla Gobalka Balochistan, iyadoo la soo baray qaabka loo dagaalamo iyo samaynta waxyaabaha qarxa.
Kooxda Alshabaab ee mataanka la ah Ururka Alqaacida ayaa la sheegay inay Ardayda Soomaalida ee wax ku barata Jaamacadaha ku yaalla dalka Pakistan u tababaraan sidii ay weearro Argagixiso uga geysan lahaayeen gudaha Qaaradda Europe.
Alshabaab, ayaa Ardayda u adeegsanaysa Shabakadda Caalamiga ee Argagixisadda ‘The international terror network’.
Carl Adams oo ah Khabiir La-dagaalanka Argagixisadda oo ku sugan magaalladda Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa sheegay inay Alqaacida qorsheysay inay ka soo dhaqaaqaan Saldhigyadda ay ku leeyihiin dalalka Afganistan iyo Pakistan.
Khabiirka waxa uu isweydiiyey sababaha ay Alqaacida ugu adeegsanayso Ardayda Soomaalida ee Pakistan wax ku barta inay qaadaan falalka Weeraradda iyo Isqarxinta ee ka dhacayo gudaha Qaaradda Europe.
‘Inta badan Soomaalida ee ku sugan dalka Pakistan wax bay barteen, iyadoo Waalidkooda dhaqaale uga soo dirayaan dalalka Bariga Dhexe’ ayuu yiri Carl Adams oo intaasi ku dray inay haystaan tas-hiillaad sahlan oo aysan haysanin kuwo ku nool gudaha dalka Somalia.
Agaasimaha Hay’adda Dembaarista Federalka Maraykanka ‘FBI’ ayaa bishii July ee la soo dhaafay sheegay inay cabsidda ugu weyn sannooyinka ka imaanayso Alqaacidada ku sugan dalalka Somalia, Pakistan iyo Yeman.
Tiro-koob uu soo saaray Urur ka shaqeeya Nabadda Caalamka, ayaa sheegay Tan iyo wixii ka dambeeyey sannadkii 2011-kii inay Al-qaacida ka heshay Al-shabaab 97-codsi oo Alqaacida u adeegsatay Weeraradda Argagixisadda ee ka kala dhacay daafaha Caalamka.
Bilowgii sannadkii 2012, boqolaal Dagaalyahanno ka kala yimid dalalka Bariga Dhexe iyo Pakistan ayaa tegay Somalia, si ay u caawiyaan Maleeshiyadda Alqaacida ee dalka Yeman, iyadoo Madaxweynaha cusub ee dalka Yeman uu taageero ka helayo Hawlgalka Maraykanka ee La-dagaalanka Argagixisadda.
Hoggaamiyaha Urur-weynaha Alqaacida, Dr. Ayman Alzawahiri ayaa bishii February 10-dii ee sannadkan ayaa shaaciyey in Ururka Alshabaab Somalia la midoobeen Ururka Alqaacida.
Ururka Alshabaab oo Wakiil Ururka Alqaacidda uga ah Bariga Afrika, ayaa waxa magac ahaan loogu yeeraa ‘Alqaeda in East Africa’ (AQEA).
______________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login