Madaxweynaha aan xilka Wareeji Shariif Sheikh Axmed ayaa shegay inay lama taabtan tahay xubnaha xarakada Aalla Sheikh ay ku leeyihiin Baarlamaanka Cusub islamarkaana ay buuxin doonaan kuraastii loogu tala galay
Shariif Sheikh Axmed ayaa sidoo kale sheegay inay soo afjareen colaadii u dhexeysay Ergayga gaarka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha soomaaliya iyo Xarakada Aalla Sheikh
Dhanka kale Shariif Sheikh Axmed ayaa sheegay Aalla Sheikh inay tahay xarakada horumarka ka sameysay dalka Somalia sida uu aaminsanyahay loona baahanyahay inay helaan xubnahooda Baarlamaanka cusub
Shariif Sheikh Axmed ayaa meesha ka saaray in Xarakada Aalla Sheikh ay lamid tahay dhanka xuquuqda xarakooyinka kale waxa uuna tilmaamay inay Muqadas tahay in la qanciyo gabi ahaan Siyaasiyiinta Xarakada Aalla Sheikh ee ku jira DKMG Somalia
Waxaa jira wada hadal ilaa iyo iminka u socda Shariif Sheikh Axmed iyo Ergayga gaarka Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Somalia Augustina Mahiiga waxa ayna kawada arinsan doonaan kordhinta xubnaha Aalla Sheikh ee Baarlamaanka Cusub Somalia ka hor inta aynan dhicin Doorashada madaxtinimo ee Dalka Somalia.
_____________________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login