Shir jaraa’id Shariif: ‘Xildhibaanada la celiyay boosaskooda hala soo buuxiyo’

Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo maanta kula kulmay qeybta VIB-da garoonka diyaaradaha Xubno ka tirsan Beesha Caalamka oo ka kala socday Midowga reer Yurub, Ingiriiska iyo Mareykanka ayaa kala hadlay arrimaha soo dhameystirka Xildhibaanada ka maqan Baarlamaanka.
Shir jaraa’id oo uu Madaxweynaha ku qabtay Garoonka diyaaradahja ayuu sheegay inay isku afgarteen xubnaha Beesha Caalamka in hadii dib loo celiyo xubnaha maqan aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin mustaqbalkooda, taasoo aan loola jeedin inay wax dambi ah leeyihiin.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay inay suura gal noqon karto in la soo bedelo ama ay sii ahaadaan, taasoo uu tilmaamay in hadii laga reebo noloshooda wax saameyn ku yeelan doonin.

“Wada hadalkeenu waxaa uu ku saabsanaa liiska inta hartay sidii loo xalin lahaa iyo in aragti la iska dhaafsado marka hore in liiska uu soo yaraado oo meeshaan uu soo gaaro waxaa ay aheyd guul marka labaadna in laga wada shaqeeyo liiska dhameystirka inta dhiman wada hadalkiisna la sii wado dadka la heystana in aan loo heysan danbiyo ay ku xakuman yihiin,Maxkamadana aysan aheyn,xitaa qofkii ka haraan noloshiisa saameyn aysan ku yeelan doonin”ayuu yiri Madaxweyne Shariif.

Madaxweynaha ayaa wajigiisa laga dareemayay qanaaco ku aadan habka uu wax u doonayay beryahan iyo dadaalada uu ugu jiray xubnaha la celiyay in la fasaxo, iyadoo inta badan Madaxweynuhu ku guuleystay xubnihii uu doonayay.

Madaxweynaha ayaa rajo ka qaba hadii xataa Xildhibaanada la celiyay boosaska la soo buuxiyo, isla markaana wixii horay loogu heystay ee dambiilenimada aanay aheyn mid Maxkamad ka soo baxday, balse go’aanka Gudiga farsamada aan loo cuskan karin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in odayaasha dhaqanka laga sugayo inay soo bedelaan xubnaha la diiday ee Hogaamiye kooxeedyada u badnaa, iyadoo haatan tirada Xubnaha Baarlamaanka ay soo yaraaneyso kuwa ka dhiman.

Maalinta Talaadada ayaa qorshuhu yahay in la qabto doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen, waxaana lagu wadaa in maalinta berri la dhaariyo xubno la fasaxay, si lagu dhameystiro tiradii horay loo hayay.

__________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 25, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login