Xidig oo isu soo sharxay Gudoomiye Baarlamaan

Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig oo u sharraxan qabashada xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay inuu baarlamaanka u arko meesha keliya ee laga sixi karo dowladda.

Musharrax Xiddig wuxuu sheegay haddii uu ku guuleysto jagada inuu xoogga saari doono hirgelinta iyo ku shaqeynta sharciga, dabagalka iyo la-xisaabtanka hay’adaha dowladda iyo inay muuqato awoodda baarlamaanka.

Xildhibaanka ayaa baarlamaanka ku tilmaamay inuu yahay laf-dhabarka hay’adaha dowladda, wuxuuna xusay haddii aanay howshiisa hagaagin inuu dalku gelayo marxalad adag iyo guul-darro.

Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay inuu xilka ku guuleysan karo.

____________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 25, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login