C/weli & wasiiro ku Xadgudbay Dastuurka

Waxaa soo ifbaxeeysa in sharciga lagu xadgudbayo sabbabta oo ah golaha wasiiradii hore waxaa aay u dhaarteen xildhibaanimo sidaasi darted wax xil ah oo aay sheegan karaan ma jiro,sida oo kale C/weli maaha R/Wasaare balse waa xildhibaan u dhaartay golaha baarlamaanka ee cusub, hadaba sidee ama xeerkee u ogolaanaya in  aay shiraan golaha wasiiradii hore iyo C/weli ???

Waxaa shiray sida ku cad sawirada aan aragnay rag wasiiro hore u ahaa badnaa oo xulufo la ahaa C/weli xiligaana noqday xubin baarlamaan, akhristow haddii aan ku xusuusiyo   xildhibaannada la dhaariyey waxey tiradoodu gaareysaa 211 xildhibaan waxaana dhaariyey Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Abukaate Ceydiid Ilkaxanaf, inta uu dhaarin waxaa uu ku wargeliyay in xilka aay u dhaaranayaan mid aanan aheeyn aayan qaban karin waxii dhaarta ka danbeeyana, aad ayuu ugu celceliyay Ceydiid Ilkaxanaf in aanan la sheegan Karin xil aanan aheeyn midka xildhibaanimo, hadaba xagee laga keenay wasiiro iyo r/wasaare ayaa shiray? sow xadgudub kuma ahan dastuurka hada jira ee dhawaan la ansixiyay?.

Nin sheegay in uu isku soo taagay xilka madaxweeyne una dhaartay xubin xildhibaan sidee awoodii R/Wasaare u adeegsan karaa iyada oo la ogyahay in xili kala guur ah lagu jiro oo aay rag faro badan isku soo taageen musharaxnimada xilka madaxweeyne?

Xagee laga aqristay nin xildhibaan ahi uu sheegto magaca wasiir ama r/wasaare sow maaha in dharaar cad uu bilaabay boob iyo xadgudub?, waxa loo shiray waxaa lagu qeexi kara arimaha siyaasada iyo isbedelka socdaa sidii aay ugu guuleeysan lahaayeen balse waxaa sharaf xuma ah in lagu daawado qaladaadka dastuurka qaranka laga galaayo, waxaan dhihi lahaa dhagarqabayaasha damaca siyaasadeed u istaagay in aay umada indho-sarcaad ku sameeyaan waan aragnaa foolxumada aad wadataan balse umada u dulqadanmeeyso dhagarta aadwadaan.

Dr.Ali.A.Hirabe                       Hirabe_a@hotmail.com

___________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 26, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to C/weli & wasiiro ku Xadgudbay Dastuurka

  1. Nur Maxed Ismaaciil

    Dowladi ama xukuumadii uu r/wasaaraha ka ahaa waxaa eey dhamaatay 20 august miyow ogeeyn Cadiweli iyo kuwa wasiirada ah,aad ayaan ugu xumahay in shir aay qaataan wasiiradii hore iyo r/wasaarahii hore oo maanta ah xildhibaan baarlamaan,Dr.Hirabe arimaha aad ifisay shariif iyo maxkamada sare midna ma dareensana,aniga xamar ayaa joogaa maanta ayaa lagu baraarugay waxii ka soo baxa waad arki doontaan.

You must be logged in to post a comment Login