Dagaalo ka dhacay Deegaanka Hoosingow

Wararka naga soo gaaraya Deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in dagaalo culus maanta halkaasi ku dhexmaray Ciidamada Kenya oo garab ka helaya kuwa Raaskambooni oo khilaaf ka dhex taagan iyo Ciidamada Xarakada Alshabaab, iyadoona faahfaahino kala duwan oo dheeraad ah ay ka soo baxayaan xaalada goobihii lagu dagaalamay oo wali la isku horfadhiyo.

Dagaalka waxaa la isku adeegsaday Garneelo culus iyo madaafiicda goobta, dagaalkana waxa uu socday muddo hal saac iyo bar, waxaana ka dhashay qasaare dhimasho iyo Dhaawac.

Saraakiil ka tirsan Xarakada alshabaab oo dagaalada ka hadlay ayaa sheegay inay ka hortageen Ciidamada Kenya oo kasoo dhaqaaqay deegaanka Hoosingow, dagaalkuna goordhow istaagay.

Warar labada dhinac ka madax banaan ayaa xaqiijinaya dagaalka inuu bilwoday kadib markii ay iska hor’imaadeen Kolonyo gaadiid ah oo Ciidamada Kenya ay wateen kuwaasoo Sahan ahaa, waxaana dagaal kala hortagay Ciidamo kale oo ka tirsan Xarakada Alshabaab.

Dagaalka xoogiisu waxa uu ka dhacay deegaanka Habaar Waalid oo qiyaastii 7 KM u jirta Deegaanka Hoosingow, iyadoo sida la sheegay Ciidamada Kenya ay damacsanaayeen inay u gudbaan Deegaan lagu magacaabo Mindheq Korimu balse dagaal culus qabsaday intii aysan gaarin deegaankaasi.

“Dagaal culus ayaa dhacay labada Dhinac waxba ma aysan isku reeban, labada dhinac gurbadyo xoog leh ayay heleen, laakiin dagaalada waa ay joogsadeen hadda wax xabad ah lama maqlayo wayna is horfadhiyaan dhinacyadii dagaalamay” waxaa sidaasi yiri ruux goobjoog ah.

Labada dhinac sidoo kale dagaalada waxay isku adeegsaday madaafiic, dagaalkuna waxa uu ahaa mid culus oo fool ka fool ah, kana mid ah dagaaladii ugu xooganaa oo dhexmara muddooyinkan Ciidamada Xarakada Alshabaab iyo kuwa Kenya ee ku sugan gobolada Jubooyinka.

Si kastaba dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Hoosingow waxa uu ka mid yahay dagaalada ugu xooganaa oo dhex mara dhinacyadaasi bilihii ugu dambeeyey, waxayna Ciidamada Kenya marar badan ay sheegeen inay la wareegayaan Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubada Hoose.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 26, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login