Danjire Abdullahi Abdiaziz oo Ku Eedeeyay Guddiga Farsamada

Danjire Abdullahi Abdiaziz Hassan

Danjire Abdullahi Abdiaziz Hassan ayaa ku eedeeyay xubnaha guddiga farsamada ee soo xulista xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ay carqaladeynayaan hannaanka dib-u-heshiisiinta iyo dib u dhiska ka socda dalka Soomaaliya.

Danjire Abdullahi Oo wareysi siinayay Idaacadaha Caalamiga Iyo kuwo Maxaliga ah ayaa waxa uu sheegay in guddiga farsamada aysan awood u laheyn in ay cid ku eedeeyaan dembiyo dagaal ama qaswadayaal, iyadoo kal hore ay dadka Soomaaliyeed ku heshiiyeen in laga gudbo waxyaabihii hore isla markaasna la midoobo.

Danjiraha ayaa ku eedeyay xubnaha guddiga farsamada ee soo xulista xildhibaannada in ay dambi cad ka galeen odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ku tilmaamay in xubnaha guddigaas ay yihiin dad aan fahamsaneyn nidaamka dowladnimada oo aan wax xushmad ah u heynin odayaasha dhaqanka.

Danjiraha oo sii wata hadalakiisa waxa uu sheegay in aan la aqbaleynin awoodda dheeraadka ah ee ay isticmaaleen xubnaha guddiga farsamada, wuxuuna nasiib-darro ku tilmaamay in dad Soomaaliyeed oo aqoontooda lagu soo xushay ay qaab qaldan oo siyaasadeed u isticmaalaan mas’uuliyaddii odayaasha dhaqanka, waxay dowladda Soomaaliyeed iyo beesha caalamka u xilsaareen. Danjraha waxa uu muujiyay sida uu uga xun yahay in laga shaqeeyo waxyaabo mugdi kala galinaya shacabka Soomaaliyeed.

Danjiraha Ayaa Waxaa uu Mar Labaad ku eedeeyay xubnaha guddiga farsamada in ay si iskood ah u keensadeen xubno aysan odayaasha soo gudbin, kuwaasoo hadda ku fadhiya kuraastii baarlamaanka. Waxaa kaloo jira dad qaswadayaal ah oo ku jira baarlamaanka isla markaas sida sharciga waafaqsanaa aan la marsiinin qof aan waligiis qori qaadin ama wax isdabamaryeynin lagu tilmaamo qaswade ama dagaaal ooge.

Waxaan halkaan ugu mahadnoqayaa odayaashii dhaqanka Somaliyeed qeybtii libaax ay ka qaateen in wadanka somaliya uu ka baxo kumeelgaarka uuna noqdo dowlada kaamil ah Arinkaasna waa mid tarrikhdu qoreyso, Guushaasna waxaa leh odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Qore Danjire Abdullahi Abdiaziz Hassan

___________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 26, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.