Faah faahin ayaa kasoo baxeysa dagaal xoogan oo udhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Kenya iyo sidoo kale Ururka Al-Shabaab kaasi oo ka dhacay Gobalka Jubadda Hoose.
Guddoomiyaha deegaanka Husingoow ee Dowladda Soomaaliya Aadan Ibraahim Dhaqane oo idaacada Risaala ee magaalada Muqdisho la hadlay ayaa wuxuu sheegay in dagaalka ay qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya, waxaana uu intaasi ku daray in dagaalka lagu qaaday deegaano dhowr ah oo ku yaalla Bariga Hoosingow.
Aadan Ibraahim Dhaqane ayaa sidoo kale hadalkiisa intaa wuxuu raaciyay in ciidamada isgarabsanaya Al-Shabaab ay kala wareegeen Goobihii lagu dagaalamay sida uu sheegay.
Aadan Ibraahim Dhaqane ayaa dhanka kale sheegay in aan faah faahin laga hayn khasaaraha ka dhashay dagaalka, isaga oo xusay in diyaaradaha dagaalka Kenya ay ka qayb qaateen dagaalka maanta ka dhacay duleedka deegaanka Husingow.
Dhanka Al-Shabaab ilaa hada majirto wax war ah oo kasoo baxay kaasi oo ku aadan dagaalka sidoo kalena lama xaqiijin karo khasaaraha dhabta ah ee soo kala gaaray labada dhinac.
![]() |
You must be logged in to post a comment Login