Madaxweyne Shariif oo eedeyn kulul ujeediyay Gudiga Farsamada

Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa eedeyn culus u soo jeediyey aqoonyahanada iyo gudiga farsamo ee ku lug leh soo xulitaanka xildhibaanada baarlamaanka dalka asagoona ku sheegay kuwo aan waxba kala socon xaalada dalka islamarkaana ka liita xildhibaanada ay eedeynayaan.

Madaweyne shariif oo hadlkiisa ay ka muuqato caro xoogan ayaa waxaa uu si weyn u eedeeyey gudiga farsamada asagoona ku sheegay inay isticmaalayaan awood aysan lahayn oo ay isu maleeyeen inay sharciga ka weyn yihiin ayna ka shaqeynaayaan sidii ay dadka isaga horkeeni lahayeen asagoo sidoo kale ku eedeeyey inay carqaladeynaayaan geedi socodka nabada,

Madaxweyne Shariif oo difaacaaya qaar ka mid ah shaqsiyaad ay soo celiyeen gudiga farsamada ayaa sheegay inay dadkaas si cadaalad daro ah loogu soo celiyey odayaasha dhaqanka islamarkaana xiligii ay ku kaceen falalka lagu soo eddeynaayo ay ahayd marxalad uu xiligaas ku jirey dalka Soomaaliya, madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale ku tilmaamay gudigaas inay iyagu ka liitaan dadka ay eedeynayaan.

__________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 26, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login