Wararka aan ka heleyno Villa Somalia ayaa sheegaya in Saacadaha soo socda Villa Somalia ay kulan ku qaadan doonaan 4-Afar Musharaxiin oo iyagu u taagan Doorashada nagu soo beegan
Kulanka ka dhici doona Villa Somalia ayaa lagu soo waramaaya inuu u dhexeyn doono Madaxweynaha aan xilka wareejin Shariif Sheikh Axmed, Guddoomiyihii hore Baarlamaanka DKMG Somalia Shariif Xassan Sheikh Aadan, Raisul wasaaraha aan xilka wareejin C/weli Maxamed Gaas iyo Maxamed C/llahi Farmaajo oo isaguna u taagan xilka Madaxweyninimo ee Somalia
Mudanayaasha kulanka qaadan doono ayaa lagu sheegay inay yihiin kuwa kala fog islamarkana aan laga maleysaneynin inuu dhex maro kulan Ceynkaani ah ayaa waxa lagaran la’yahay sababaha kadanbeysay inay qaatan kulan aan horay looga baran wallow intuba ay yihiin Musharaxiinta ugu cad cad Doorashada nagu soo beegan waxaana la saadalinaaya inay katashan doonaan Doorashada islamarkaana kala saxiixan doonaan siyaasada iman doonta doorashada kadib
Sida aan warka ku heleyno Villa Somalia waxaa iminka ka socda diyaar garoow loogu jiro kulanka Mudanayaashasi dhex mari doona saacadaha soo socda, mana cadda saacada rasmiga ah ee uu bilaaban doono kulanka
Share on Facebook
![]() |
Socialize