Shabaab oo afduutay Odayaal ku sugan Gubta

Wararka naga soo gaaray Gubta Ciisa Cabdi ayaa sheegaya in Xoogaga Alshabaab ee ku sugan halkaasi ay af-duub kula dhaqaaqen Odayaal iyo Dhalinyaro la sheegay inay kamid ahaayen dadka Deeganka

C/llahi Xiirey oo kamid ah dhalinyarada kunool Gubta Ciisa Cabdi ayaa shabakada QARANIMO ONLINE u xaqiijiyay in subaxnnimadii saakay ay arkaayen Dagaalyahaano katirsan Alshabaab oo guryaha iyo wadooyinka ka aruurinaayay Odayaal iyo Dhalinyaro kamid ah dadka Deeganka

C/llahi oo la hadlaayay warbaahinta QARANIMO ONLINE ayaa yiri ‘’Subaxnnimadii Saakay waxaa Gubta ciisa Cabdi kusoo dheelmaday xoogaga Alshabaab waxa ayna guryaha kala baxeen Saddax Oday oo aan lagaraneynin sababihii loo waday, sidoo kale waxa ay Bosteejada laga raro gawaarida aada Suuqa Bakaaraha ka wateen 6-Lix dhalinyaro oo iyaguna aan la garaneynin sababihii ka danbeysay waditaankooda ‘’

Waxaa muddooyinkani danbe Xaafadda Gubta ciisa Cabdi ka socday maja xaabin lagu haayo Odayaasha iyo Dhalinyarada kunool Gubta kuwaasoo aan la garaneynin sababaha loo xiraayo waxaana cabsi ba’an ay soo wajahday Qoysaska kunool Gubta oo iyagu ka cabanaaya falalka lagu argagixinaayo dadka Deeganka

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 26, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

2 Responses to Shabaab oo afduutay Odayaal ku sugan Gubta

  1. Een horta waxaan u sheegaa dadka muslimka ah ee soomaaliyeed gaar ahaan kuwa ku dhaqan gudaha waddanka guud ahaan , iyo gaar ahaan magaalada caasimadda ah ee muqdisho in xarakada mujaahidiinta alshabaab muqdisho ay kaga sugan yihiin meel walba iyo goob walba gudaha muqdisho maamulkoodana ka dhex shaqeynaya 16 ka degmo ee gobalka banaadir ka tirsan , qof yohow haddaad aamin san tahay alshabaabulmujaahidiin waddanka waa laga sifeeyey oo way tageen wallaahi ma tagin mana tagi doonaan waa dad rabbi wato ee walaalaheyga muslimka ah ee soomaaliyeed war muslimiinta u diriraya daafaca diintanada iyo dadkayaga taageera siiya afka aad ku mucaaradeynaysaana ka daaya haddaad muslimiin tihiin, taa ayaa iga dardaaran ah ogowna in islaamku kor ahaan doono!

  2. Gubta waa meeshii lagu aasaasay Alshaab, cid aan iyaga ahaane, meeshaan ma joogeyso. Ethiopia ayaa degi weyday, mooryaan iyo Ugandeesna warkooda daa.

You must be logged in to post a comment Login