War Saxaafadeed kasoo baxay Xubnihii Hore ee Baarlamaanka
Shir Ballaran oo ey isugu yimaadeen Xubnihii Baarlamaankii hore ee u dhabar adeygay samata bixinta Dalka iyo Dowladnimada, gaar ahaan kuwa aan soo gelin Baarlamaanka cusub, ayaa dood dheer iyo falanqeyn kadib waxey isla garteen qodobada soo socda:
-
Taageeridda ka gudbitaanka Marxaladdii kumeel gaarka aheyd ee Curyaamisay Dowladihii dibadda lagu soo Yagleeli jiray.
-
Soo dhaweynta Baarlamaanka Cusub ee Dowladda fedaraalka Soomaaliya.
Talo Soo Jeedinta Xubnihii Hore
a) Xubnuhu waxey Baarlamaanka Cusub usoo jeedinayaan iney Gudoonka Baarlamaanka u Doortaan Mudane ku Sifoobay Wadaniyad, Waaya argnimo Iyo Hufnaan, aqoon durugsanna u leh Shuruucda dalka & tan Caalamkaba, oo Sumcad sare leh.
b) Iney Danta guud ka hormariyaan Danta gaarka ah, kana fogaadaan wax kasta oo khilaafaad keeni kara.
c) Iney Hogaanka Dalka u Doortaan Muwaadin Xog ogaal ah, Kuna sifoobay Karti iyo Daacadnimo, una Damqanaaya Dalka, Dadka iyo Diintaba.
Baaqa Xubnihii Hore
- Waxey Shacabka Soomaaliyeed ugu Baaqayaan iney taageeraan Baarlamaanka cusub ee Soomaaliya iyo madaxda ow dooran doono.
- waxey Beesha caalamka ugu Baaqayaan, gaar ahaan urur Gobaleedyada iyo Dowladaha daneeya Arimaha Soomaaliya iney Taageeraan Hey’adaha Dowladda Cusub.
- Waxaan Hey’adha Amniga & Ciidamada Amisom ugu Baaqeynaa iney muujiyaan karti iyo Feejignaan Dheeri ah inta lagu guda jiro Doorashooyinka.
WABILLAAHI TOOWFIIQ
_________________________________________
Share on Facebook
Other Interesting posts:

Posted by
QOL Admin
on August 26, 2012. Filed under
Warka Maanta.
You can follow any responses to this entry through the
RSS 2.0.
Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.
You must be logged in to post a comment Login