Codeynta Gud. Baarlamaanka oo si xowli ah u socoto

Tirinta cododkii wareega koowaad ee doorashada musharaxiinta u taagan xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa goor dhow la soo gaba gabeeyay, iyadoo uu wareega koowaad uu ku horeeyo Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo helay ilaa 119-cod.

Gudoomiyaha KMG ayaa bilaabay tirinta cododka, isagoo ahaa ninkii u horeeyay ee bilaabay codeynta doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Wakiilo ka kala socda shanta musharax ayaa loo dhiibaya waraaqaha codka ee ku qoran magaca musharaxa hela codadka, waxaana qaabka ay doorashada u socoto ay tahay mid si habsami leh oo ay ka qeyb galayaan goob joogayaal caalami ah.

Hadaba wareega koowaad ayaa musharaxiinta ay ku kala heleen sidan.

  1. Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo helay                119-cod
  2. Prof. Cali Khaliif Galeyr oo helay                                                 73-cod
  3. Cabdi Xaashi Cabdullaahi                                                             23-cod
  4. C/rashiid Xidig                                                                                10-cod
  5. Xasan Abshir Faarax                                                                         5-cod

Tirada codeysay Xildhibaanada ayaa dhan ilaa 230-xildhibaan oo xaadir ku ah goobta, waxaa laga yaabaa inay bilaabato wareeg labaad oo doorasho ah, kaasoo ay suura gal tahay inay isugu soo haraan Prof. Jawaari iyo Prof. Cali Khaliif Galeyr.

Waxaa goor dhow soo gaaray xarunta doorashada ka socota Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud u qaabilsan Soomaaliya Augustine Mahiga iyo xubno ka tirsan Beesha Caalamka, si ay goob joog uga noqdaan sida ay u socoto howsha.

___________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 28, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.