Ilaalada Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Ra’iisul Wasaarihii hore C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa lagu amray inay hubkooda kala baxaan goobta ay ka socoto doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka.
Shir-gudoonka ayaa ku amray Ilaalada Labadan Xildhibaan inay la sinaadaan ilaalada kale, dibadana uga baxaan, iyadoo lagu wargeliyay in ammaanka goobta uu yahay mid sugan, Ciidamada kala duwan ee dowladda iyo Ciidamada Booliska AMISOM ka qeyb qaadanayaan.
Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in Ilaaladii Shariif Xasan ay u hogaansameen, laakiin C/wali Gaas ayaa u muuqday mid ka xun amarkaas, iyadoo muddo shan daqiiqo la murmayay, hase ahaatee markii dambe uu u hogaansamay.
Madaxda dowladda ayaa lagu bartay xilliyada shirarka ay ka qeyb galayaan inay la soo galaan Ilaaladooda, waxaana u badan Madaxweynaha oo ilaalo si gaar ah u tababaran oo dhinacyada ka taagan marka shirarka ka qeyb galayo.
Inkastoo Xarunta Dugsiga tababarka ee Jeneraal Kaahiye haatan ay ka socota codeynta ayaa waxaa ku sugan gudaha Ciidamo dhar cad ah oo sugaya Ammaanka, iyadoo guud ahaan xarunta iyo hareerihiisa ammaankiisa si aad ah loo adkeeyay.
___________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize