Maxkamada sare ayaa manta u fariisatay dacwad aay soo gudbiyeen xubno gudiga farsamada ee soo xulista baarlamaanka cusub aay u diideen ineey ka mid noqdaan baarlamaanka cusub ee soomaaliya waxeeyna maxkamadu go,aan ku gaartay in xubnahaas aay si rasmi ah uga mid noqdaan baarlamaanka ayna xaq u leeyihiin ineey wax doortaan lana doorto sharci daro na tahay in loo diido wax aay xaq u leeyihiin .
Maxkamada ayaa gaartay go,aanka ka dib markii aay sheegtay in lagu waayey wax danbi ah dadkii aay soo celiyeen gudigu aayna xaq u leeyihiin in aay ka mid noqdaan xubnaha baarlamaanka iyadoo aney soo xaadirrin goobta maxkamadu ka dhaceeysay gudigii farsamada ee loo heestay dacwada iyagoona horay u sheegay in aaney xaq u laheeen maxkamada sare ineey soo fara galiso howlaha xulida baarlamaanka cusub .
Xubnaha manta la ogolaaday ayaa waxaa ka mid ah hogaamiya kooxeedyadii soomaaliya iyo waliba dad xilal kasoo qabtay dowladihii kumeel gaarka ahaa ee soo maray dalka waxaana laga xusi karaa: Maxamed Qanyare Afrax, Cumar Maxamud (Cumar Finish), Bootaan Ciise Caalin iyo waliba C/raxmaan (Ibi) oo wax badan ku jiray siyaasada dalka.
Sdioo kale maxkamada ayaa dib u celisay sadax ka mida dadkii lasoo celiyay iyadoona sheegtay in sedexdaas oo dumar ahi aay san soo buuxin sharuudahii laga rabay.
________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize