Shariif Xasan oo u hambalyeeyay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari

Gudoomiyihii hore Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay, in magaalada Muqdisho lagu doorto Gudoomiye Baarlamaan, isagoo u hambalyeeyay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ku guuleystay doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Shariif Xasan oo u ololeynayay in doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka inuu ku soo baxo Dr. Cali Khaliif Galeyr, si uu ugu tartamo doorashada Madaxweynaha, oo uu mushurax yahay, ayaa hamigiisa meesha ka baxay, maadaama ninka loo doortay Gudoomiye Baarlamaan ay isku beel ka soo wada jeedaan.

Isagoo hadalkiisa ka muuqatay niyad la’aan ayuu sheegay in markii hore loo doori jiray Beelaha Digil iyo Mirifle xilak Afhayeenka Baarlamaanka, haatana loo dooray sida uu yiri.

Waxaa uu hamigiisa ahaa in la soo hormariyo doorashada Madaxweynaha, isku dayo badan uu ku damacsanaa ay daaqada ka baxeen, hase ahaatee waxaa uu sheegay in laga diiday dalabkaas, balse aanay haatan wax mushkilo ah laheyn.

“Anaga hadaan Digil iyo Mirifle nahay, awal waa naloo doori jiray Gudoomiye Baarlamaan, hadana waa naloo dooray, marka wax dhibaato ay leedahay ma lahan aad iyo aad u faraxsanahay”ayuu yiri Shariif Xasan oo la hadlay BBC-da markii ay dhamaatay doorashadii Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Mar la weydiiyay su’aal aheyd inay dhaawaceyso rajadiisa musharaxnimo ee doorashada Madaxweynaha, maadaama nin ay isku heyb yihiin loo doortay Gudoomiye Baarlamaan, qaabka awood qeybsiga aanu dhigeyn in labo nin oo isku beel ah labo jago kala qaban karin ayuu xusay in aanay wax mushkilo ah laheyn.

“Mushkilo ma lahan aniga markii hore gudoomiye uma tartameynin, hadii marka hore Madaxweynaha la soo hormariyo waa la diiday, marka awal sidaas ayay aheyd sida bahasha u dhigneyd, hadana wax mushkilad ah ma alahan, waxaan u mahad u celinayaa in dadka gartay in nin kale la tartamo waa u hambalyeynayaa”ayuu yiri Shariif Xasan oo intaa ku daray inuu ka fikiri doono musharaxnimadiisa Madaxweynaha oo hamigiisa daaqa ka baxday.

Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in Shariif Xasan oo muddo sideed sano ka mid ahaa siyaasiyiintii galaan-galka badan ku laheyd Baarlamaanka, in tani ay tahay guuldaradiisa u horeysay, taasoo meesha ka saareysa rajooyinkiisa siyaasadeed ee uu in muddo ah sidii sil-silad oo kale isugu soo xirayay.

_________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 28, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Shariif Xasan oo u hambalyeeyay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari

  1. Waa beenloow oo niyad jab ayaa ku yimid shaydaankan oo shacabka Digil xaqooda mar walba xoogayey. Xaq darada uu ku hayey ummada Digil 10 sano ee la soo dhaafay. waxaan aad ugu farax sanay in maanta shariif sakiin madaxweyno nimadiisa ay cirka ka baxda.
    Waxan leeyahay in Mr Jawaari uu aad usu ilaaliyo uu qorto dad ilaalo gaar u ah uusan aminin shariif sakiin iyo qolooyinkan mirifle oo daba dhilif u ahaa 10sano ee la soo dhaafay. Dad badan ayaa waxay yiraahdeen ma xaad ugu soo horjeedaa shariif sakiin waan rabnaa hal mar in nin D&M noqdo madaxweyne. 10 sano ee la soo dhaafay wax uu u qabtay ummada D & M majirto wixii hada ka dambeeyana wuxuu u qabanayo majirto.