Waa kuma Prof. Jawaari?

Proff Maxamed Shiikh Cismaan Aden (Jawaari)

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka federalka oo ka dhacday magaalada Muqdisho ayaa waxaa loo doortay in uu guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka noqdo Proff Maxamed Cismaan Jawaari.

Proff Maxamed Shiikh Cismaan Aden (Jawaari) waxa ku dhashay degmada Afgoye ee gobolka Sh/hoose bishii December 1945.
Jawaari waxa uu shahaadada Macalinimada luqada Englishka uu ka qaatay magaalada Muqdisho 1962 Shahaadada  Diploma ah oo Islamic Law ayuu ka qaatay Machad Daraasaad Islaami  ee magaalada Muqdisho sanadkii 1964.

Shahaado Macallinnimo, Machadka Macallimiinta (Istatuto Magistrale/aggiornamento magistrale)  Muqdisho sanadkii 1967. Kulliyada Qaanuunka  ayuu ka qaatay shahaado (Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed) sanadkii  1982.

Proff Maxamed Cismaan Jawari waxa uu wasiir hore uga soo noqday dowladii hore ee Maxamed Siyad Barre Wasaarada Gaadiidka dhulka iyo Cirka iyo Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshada.sidoo kale waxa uu wasiir ku xigeen ka soo noqday Wasaarada gaadiidka dhulka iyo cirka.

Intii u dhexeysey 1979-1985 waxa uu soo noqday Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda Gaadiidka dhulka iyo cirka iyo Wasaarads Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

1973-1979 waxa uu Agaasime guud iyo ku xigeen Agaasime guud ka soo noqday Wasaarada Shaqada iyo arrimaha bulshada.

Proff Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu ka mid ahaa golihii Shacabka ee dowladii hore 1984-1990.

LUQADAHA

  • Waxaan ku hadlaa, qoraa akhriyaa afafka: Somaliga, Carabiga, Ingiriisiga, Taliyaaniga iyo Norwejiga.

SHAQOOYINKA HEER CAALAMI IYO HEER QARAN

  • Senior Consultant Constitution Building: Somalia Constitution Making Support Project – UNPOS/UNDP – May 2008 – December 2011;
  • Guddoomiyaha Guddiga Khubarada (CoE) – Dib-u-eegista Qabyoqoraalka Dastuurka iyo Diyaarinta Dastuurka loo dirayo ansixinta ku-meel-gaarka.

KHIBRADAHA QAAANUUNIGA

  • Xubin ka mid ah Guddiga Farsamo ee Diyaarinta Dastuurka Jumhuuriyadda Soomaaliya. Mogadishu, Somalia. 1989-1990 – Guddigan wuxuu Qormadii Dastuurka u Gudbiyeen Golaha Shacabka . Dood muddo b5 bilood socotay ka dib waxaa la ansixiyey 12ki Oktobar 1990 waxaa Faafinta Rasmiga ah lagu soo saaray 14 Oktoobar 1990.
  • Guddoomiyaha Kooxda (Panel) Diyaarinta Sharciga Shaqada Soomaaliyeed (Somali Labour Law) iyo Sharciga Shaqaalaha Rayadka ah ee Dawladda (the Somali Civil Servants Law) – Mogadishu, Somalia.1970 – Guddiga wuxu dib-u-habayn ku samayey habka meeleynta Shaqaalaha Dawladda, wuxuuna hirgeliyey jagooyinka “Xoghaye Joogto” iyo qiimaynta Xirfadleyda iyo Farsamo yaqaanada – heerka Sharciga Shaqaalahana wuxuu aad u waafajiyey heer xuquuqda caalamiga ee loo oggol yahay Shaqaalaha.

Intii u dhexeysa 1991 – 2008

Waxaan xilal iyo shaqooyin kala duwan ka qabtay Dalka Norway, oo ay ka mid yihiin

  • Macallin dugsiyada Sare ee Koofurta Trøndelag
  • Xubin ka mid ah Guddi dhexdhexaadinta khilaafaadka – (Trøndelag Konfliktrådet) – Wasaaradda Garsoorka;
  • Kaaliye Qareen – Leif Strøms Jus-Informasjonen law firm;
  • Xoghayaha Guud – Guddiga Fulinta Muslim Sosciety of Trondheim, Norway;
  • Xubin ka mid ah Muslim/Christian Interfaith Forum for Dialogue, in Trondheim & Trøndelag
  • Xubin ka mid ah Guddiga ka hortagga Midabtakoorka -Kontaktforum mot Rasisme og diskriminering , Trondheim, Norway
  • Xoghayaha Ururka Qareemada Caalamiga ah ee Trondheim – International Lawyers Association, Trondheim, Norway.

Buugaag uu qoray Proff Jawaari

  • Barashada Fagaagga Sare Adduunka:
  • Published by Asheim Ungdomskole. 2004. ISBN. 9788292645-33-8
  • Taariikhda Norway 1814-1920 (History of Norway 1814-1920). Published by Asheim Ungdomskole. 2007. ISBN: 9788292645-27-7
  • Dalka Norway. Published by Asheim Ungdomskole. 2004. ISBN: 82-9264500-4.

Sources: Jowhar.com

_________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 28, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

One Response to Waa kuma Prof. Jawaari?

  1. salaan ka dib wax maanta dhacey soomaaliya lama dhihi karo waa doorasho ee waxey aheyd qiyaano iyo dulmi loo geystey umad xaq uleh in la doorto iyana wax doorato hadaba qiyaanada ay sameeyeen nimanka geeljirta ah waxaan dhi karnaa doonfaar ma daahiro sabatoo ah waa un doonfaare hadaba hadii soomaali ay jaceyl iyo soomaalinimo ku doorteen terimka soo socdo jawaari waxx uu isku soo taagi doonaa madaxwayne bal ha doorteen mida kale waxaa dhici doonta tan madaxweynaha sida hada loo tanaazuley ha loo tanaazulo markii wareega koobaad uu nin ku horeeyo sodon cod bal ha tanaazuleen raga kale markaas waxaan ku qanci karnaa doorashadaan maanta dhacdey weligeed lama arag doorasho wareega koobaad laga wada tanaazulo intii tartanka gashey hadaba waxaan dhihi lahaa doorashada gudoomiha baarlamaanka yaan marna la qaban sababtoo ah waxaa iska leh oo ku qanacsan digil&mirifle mahad sanidiin

You must be logged in to post a comment Login