Xaalada Mombasa oo kacsan & askar Kenyaan ah oo la dilay

Breaking News… Sida ay sheegayaan dadka ku dhaqan xaafada Banbuuri ee magaalada Mombasa waxaa daqiiqado ka hor halkaasi lagu dilay 2-askari oo la sheegayo in ay gaareen goob shalay lagu dilay wadaad aad looga yaqaano magaalada Mombasa.

Durba ciidamada amaanka ayaa dib uga soo laabtay ka gadaal markii ay halkaasi kala soo kulmeen iska caaban aad u xoog badan oo kaga timid taageerayaasha wadaadka Cabuud Rogo oo shalay kooxo hubeysan ay ku dileen magaaladaasi.

Xaalada magaalada mombasa ee xarunta gobalka xeebta ayaa wali kacsanaan laga dareemayaa ka dib markii shalay ciidamada dalka kenya ay ku toogteen magaaladani mombasa sheikh Cabuud Rogo oo caan ka ahaa magalada mombasa oo lagu eedeyay in uu taageero siiyo Ururka al shabaab ee ka dagaalama gudaha dalka Soomalia .

Xalay ilaa saaka ayaa magalada waxa laga dareemayaa jahwareer iyo rabshado ay sameynayaa dhalinyaro kacareysan dilka loo geystay alle ha u naxariistee sheikh Cabuud Rogo kuwaasoo wadooyinka qaar ku gubaya shaagag ama taayaro.

Meelaha ay wali fowdada kasoco ayaa ah deegaanka majeengo ilaa xaafada kingorani halkaasoo ay ku badan yihiin dhalinyaro taageersan wadaadka la dilay, wallow la arkayo ciidamada amaanka ee magaladani Mombasa oo kala eryayo dhalinyaradaan iyagoo u adeeg sanaya sunta dadka ka ilimeysiisa si ay u xaqiijiyaan amaanka magalada,

Inta badan goobaha ganansiga ee magaladani Mombasa ayaa irdaha la isugu dhuftay waxaa kaloo iyana inta badan joogsaday gaadiidka dadweynaha sida BL-ka iyo tuk tukta ama mooto sedax logaaleyda kuwaasoo kacabsi qaba in ay dhib kala kulmaan dadkaan careysan,

Marka aad mareeyso wadooyinka waa weyn ee magalada gaar ahaan wadada weyn ee isku xirto xaafada likooni ferry ilaa xaafada judhaa ayaa waxaa indhahaaga qabanaya ciidamada amaanka ee magaladani mombasa oo wata gawaari, qaarna u socda raxan raxan lagan dareemayo feejignaan dheeri ah

Xiisadaan ka taagan magaalada mombasa ayaa laga cabsi qabaa in ay isu badasho arin siyaasadeed iyadoo horayna dadka kudhaqan gobalka xeebta gaar ahaan magaladani mombasa iyo nawaaxigeeda ay sheegheen in aysan ayagu ka tirsanayn dalka Kenya oo ay yihiin dal ka madaxbanaan uuna dhamaaday saxiixi ahaa 50 sano kahor.

__________________________________________________________


Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 28, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login