Dagaalka ayaa ka socda deegaano ku dhaw duleedka magaalada Kismaayo sida aay sheegayaan wararka ka imaanaya halkaas, dagaalka ayaa waxaa ka qeb qaadanaya diyaarado dagaal kuwaas oo laga leeyahya dalka Kenya wararka ayaa intaa ku darayo in labada dhinac aay isu adeegsanayaan hubka nuuc yadiisa kala duwan iyadoo ciidmaada dowlada iyo kuwa Kenya aay ujiraan magaalada in ka yar 40km , lama ogaan karo qasaaraha dhabtaa ee dagaalku geestay iyadoo mar hore aay isaga barakaceen dadkii ku noolaa goobaha manta lagu dagaalamaayo.
Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa sheegay inay horumaro ka sameeyeen dagaalada tan iyo shalay ay kula jireen Shabaab, isla markaana ay u soo siqeen dhanka magaalada Kisimaayo.
Sidoo kale xaalada ayaa la sheegayaa in aay kacsantahay magaalada iyadoo Alshabaab aay isku dayayaan ineey difaacaan magaalada lakin ma muqato ineey suura gal tahay ciidamada huwanta oo aad u qalabeysan owgeed ,dadka magaalada ayaa ka wlaacsan sida ay noqon karto xaaladu hadii lagu dul dagaalamo .
Ciidamada is garabsanayo ayaa dadaal ugu jira sidii ay ku qabsan lahaayeen Magaalada muhiimka ah ee Kismaayo,xili maalmo ka hor laga qabsaday Al-Shabaab magaalo xeebeedka Marka oo ay la wareegeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.
by: Abdisalam Joker | salaanyare18@hotmail.com
_________________________________________________
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize