Kooxo Wariye-yaal ah oo la-socday Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda Amisom, markii ay galayeen Magaalada Marka ee Xaruunta Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa waxay ka soo qaadeen muuqaalo kala duwan.
Wariye-yaashaan ayaa waxay barta Internet-ka ay soo dhigeen sawiradii ay qaarkood ka soo qaadeen Magaalada Marka, iyagoo markaasi ku muujinaaya amaba ku soo bandhigaaya sida uu yahay muuqaalka Magaalada Marka.
Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa waxay soo dhaweyn diiran ay kala kulmayn shacabka reer Marka, kadib markii Talaadadii shalay ay gudaha u soo galeen Bartamaha Magaalada Marka.
Magaalada Marka ayaa waxay lee-dahay qaab dhismeyd u eg Magaalada Muqdisho, iyadoo gaar ahaan Magaalada Marka lala barbar dhigo muuqaalka Degmada Xamar Weyne, waxayna dadku sheegeen inay isu egyihiin.





![]()
|
![]() |
Socialize