Muqdisho Aug 29, 2012 - Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir ee Dowladda Max’ed Yuusuf oo maanta Muqdisho kula hadlay Warbaahinta ayaa uu ka dhawaajiyay si toos ah ay Maamulka gobolka u bilaabi doonaan Canshuur qaadis, sare loogu qaadayo bilicda gobolka.
Afhayeenka ayaa waxa uu tilmaamay in maadaama gobolka uu bilaabay in uu bixiyo Adeegga bulshada sida Nadaafadda iyo waxyaabo kale oo la xiriira arrimaha bulshada kaddib Maamulka gobolka uu go’aan saday inay lacago Canshuuraad ah ay ka qaadaan dhamaan ganacsatada iyo shacabka ku dhaqan gobolka Banaadir.
Max’ed Yuusuf ayaa sidoo kale xusay in lacagaha laga ururinayo shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed in iyagu dib wax badan loogu qaban doono, bilicda Magaaladana dib loogu soo celin doono sida uu hadalka u dhigay.
Magaalada Muqdisho ayaa hadda waxaa ganacsatada qaarkood looga qaadaa lacago canshuuro ah oo aan hoostagin Maamulka gobolka Banaadir, iyadoo aan la ogeyn farqiga u dhaxeyn kara lacagaha hadda ganacsatada laga qaado iyo kuwa kale ee la doonayo in uu qaado Maamulka gobolka Banaadir.
Xafiiska wararka Qaranimo Online – Muqdisho, Soomaaliya
__________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Sidaasa la rabaa waa guul horumar leh.
Canshuurto wax weyn ayey qabaneysaa kana mid yihiin nabada-waxbarashada-caafimaadka-dhismaha jidadka-bilicda Magalada.
Hawiye xiskii Aqliga u soo noqoy Maansha Allah weeyan.
Qurba joogana ha ka qeyb galaan dib u noqoshada iyo Dhismaha Magalada waa horumar weyn iyo shaqo abuuris,waa sida Hargeysa ku gaadhay horumarka xaga Qurba joogooda ayey ka dhisanyihiin.
Qurba joogu waa in ay ka faa’iideystaan fursadan nabada Qaaligaa sida ugu dhakhso badana Guryo iyo ganaci uga dhistaan.
Ninkastaba canshuurtiisa iyo deegaankiisa isaga aya u madax banan yaan hada la abuurin sheeko raqiis xun oo ah Muqdisho Somaliweyn aya iska leh? Somaliweyn si sharafa wey u degi kartaa Muqdisho hase ahate Rag aya Deegaanka u dhashay ganactana ku haynaya.