Kadib dagaalo faraha looga gubtay oo maanta ka dhacay Deegaanka Toora Toora ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa geystay khasaarooyin dhimasho iyo dhaawacba leh oo soo kala gaaray dhinacyadii dagaalamay.
Dagaalada culus ee ka dhacay Deegaanka Toora Toora ayaa yimid kadib markii dagaal-yahanada Al Shabaab ay weeraro xoogan ku soo qaadeen Deegaankaasi, oo ay ku sugan yihiin Ciidamadda Dowlada.
Fiidnimada caawa ayaa waxaa Isbitaalka Guud ee Degmada Afmadow la-soo gaarsiiyay ilaa toban meydad ah oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, kuwaa oo u badnaa rag dhalinyaro ah oo horey u qaatay fikirka Al Shabaab.
Afhayeenka Ciidamadda Dowladda ee Gobolada Jubbooyinka Korneel Maxamed Faarax Daahir, ayaa wuxuu sheegay inay khasaaro xoogan u geysteen Xoogaga Shabaab, oo uu ku eedeeyay inay lid ku yihiin xasiloonida dalka.
Shacabka ku dhaqan Degmada Afmadow ayaa waxay caawa si weyn ay u hadal-hayaan meydadka Shabaab ee la-soo gaarsiiyay Isbitaalka Guud ee Degmada Afmadow, iyadoo meydadkooduna loo-soo qaaday in iyagoo looga cabsaday inay ugaarto cunto, sida ay inoo sheegeen Saraakiisha Dowladda ee Jubbooyinka.
_______________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login