Yaa la diidan yahay, yaase la dooranayaa?

Waxey maalmahan dheguhu maqlayeen yididiilo qaran iyo neecaaw xorriyadeed. Waxaa soo ifbaxaya ifafaale nabadeed iyo dib u soo kabasho inoo muujineysa muuqaal dowladnimo, taasi oo uu qof walba oo damiir waddaniyadeed lihi uu ku soo dhoweynayo caleemo qoyan iyo qalbi saafi ah.

Rajada soo ifeysa waxaa ma huraan u ah oo aan looga maarmi kareyn hoggaan daacad ah oo aqoon iyo karti leh majarahana u qaban kara dalkan bur buray ee dib u dhiska u baahan iyo dadkan diifta la daalaa dhacaya ee tiigsanaya meel ay ciirsadaan oo ay naftooda ku aaminaan.

Muqdisho beryahan, waxey la ciir ciireysaa oo gidaar kasta kaaga muuqanaya sawirrada in ka badan 50 musharrax oo u wada taagan in ay qabtaan hoggaanka dalka gaar ahaan xilka madaxweynanimo ee jumhuuriyadda Soomaaliya, iyaga oo uu damacoodu wada yahay isu tanaasulid la’aan oraneysa ” keligey baa wax ah, cid iga mudanina ma jirto !!!”.

Haddaba abwaan C/dhuux Yuusuf Xasan oo ah curiye suugaanta in badan ku soo dhex jiray, ayaa wuxuu si hufan u kala qeexayaa shakhsiga ay bulshadu dooneyso ee ay dooran laheyd iyo midka aanay dooneyn ee ay diidan tahay.

Is weydiintu waxey tahay, waa kuma midka aysan bulshadu dooneyn ee diidan tahay?

Abwaan C/Dhuux oo farta ku sii fiiqaya ayaa maansadiisa ku yiri:-

Hogaamiyaa dadkiisa
Halis wawga digaa iyo
Dibin daabyo qarsoone
Nimaan maanta dalkiisa
Dabka uu ka huraayo
Xal u dooni kareynin
Darajo noo qaban maayee
Waxba yaanu is daalin!.
Inta gaaja darteed
Daadsan oo socon weydiyo
Dad weynii ku curyaamay
Dagaallo aan xaq aheyn
Ninkii aanay damqeynin
Si ay daryeel u helaan
Darajo noo qaban maayee
Waxba yaanu is daalin.
Danbiile dhiig gardarraa
Daadiyay oo u qasdoo
Dakanooyin xanbaarsanoo
Eedi ay daba joogto
Darajo noo qaban maayee
Waxba yaanu is daalin.
Dad intuu hor yimaaddo
Nimaan dood wax ku ooliyo
Hadal deeqa kareynoo
Daman oo jilicsan iyo
Damaaci aan waxba deeqinoo
Dhuunta ay u dalooshoo
Deg deg xoolo u yeelo
Dubaaqiisa ka buuxdo
Darajo noo qaban maayee
Waxba yaanu is daalin.
Dani haddey ka dhaxeyso
Dadku waa ka shiraaye
Diktaatoor keligii
Wuxuu doono falaaya
Darajo noo qaban maayee
Waxba yaanu is daalin.
Dalkeennii wuu burburoo
Dib in loo dhisa weeyee
Nin ka daahan adduunkoo
Ka daboolan aqoonta
Darajo noo qaban maayee
Waxba yaanu is daalin.

Abwaanku mar kale wuxuu inoo tilmaamayaa shakhsiga wanaagga iyo anshaxa leh ee ay bulshada dooraneyso codkeedana ku karaameyneyso, laakinse su’aashu waxey tahay waa kuma shakhsiga nuucaas ah?. Abwaanku muxuu ka yiri:-

Bulshadu waxey dooneysaa oo ay daneyneysaa weliba si aan kala har laheyn u dooraneysaa shakhsiga leh 10ka astaamood ee qoraalka hoose kaaga muuqda:-

1. Dadku nimuu u siman yahay
2. Dal allee nin daacad ah
3. Dulmi diid caddaalad ah
4. Dadaal badane howl kara
5. Lagu diirsay geesi ah
6. Faxal iyo nin deeqsi ah
7. Samir iyo dulqaadba leh
8. Damiir lagu xishooda leh
9. Dareenkii waddaniga leh
10. Quweeyaha diinta ah.

Haddaba tobankaa astaamood ee milgaha iyo maamuska leh ee kor ku xusan ninkii leh shuruudahaasina si hufan u soo dhameys tira.

Ayaa darajo qaban kara
Duco iyo kalsoonina
Waan ugu sii dareynaa.

Ugu danbeystii mudane musharraxow, haddii aadan intaa awoodin oo aanad soo buuxin karin shuruudahaas la soo sheegay, fadlan ha isku soo ceebeynin madasha doorashada iyo u tartanka xilka qarannimo ee loo ballansan yahay.

 

 

Bashiir Cali Xuseen  | Barbaariye@hotmail.com

________________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 29, 2012. Filed under Dhacdooyinka. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.