Ciidamo Shabaab oo soo buuxdhaafiyay Shabeelada Hoose

Ciidamo badan oo ka tirsan Al Shabaab ayaa soo gaaray deegaanno ka tirsan Sh/hoose oo horey looga saaray.

Sida warbaahinta Muqdisho ay u xaqiijiyeen dad deegaanka ah, Ciidamo badan oo hubaysan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ayaa xalay soo buuxdhaafiyay deegaanno hore looga qabsaday oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay soo gaareen deegaannada Gadaan, Lambar 60-dan, Laanta-Buuro iyo deegaanka Lambar 50-tan ee gobolka Sh/hoose oo ay horey ugu sugnaayeen Ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya.

Arrintaani ayaa lagu micneeyay inay ka dambeysay kaddib markii Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay soo faarujiyeen deegaannadaasi, taasina ay keentay in Ciidamo ka tirsan Al Shabaab ay soo gaaraan halkaasi, iyadoo aan ka dhicin wax dagaal ah.

Xiriiro aanu la sameynay Maamulka gobolka Sh/hoose ee Dowladda ayaa waxa ay sheegeen inay jiraan Ciidamo Al Shabaab ah oo soo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Sh/hoose oo horey looga saaray, inkastoo aan la ogeyn sida Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay ugu hortagayaan Ciidamadaasi.

______________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 31, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

2 Responses to Ciidamo Shabaab oo soo buuxdhaafiyay Shabeelada Hoose

  1. kama soo bixin dhegaha looga soo garaacay .kufaarta iyo xulufadeed.allahu akbar walillahil xamd.faarujiyeen so baneeyeen uu ka wadaa lol

  2. soo faarujiyeen.

    Meel ay Af-Somaliga ka soo gasho ama kaga jirto kalmadaas ma jirto.

    soo faarujiyeen?

    waa afka dhawaan ku soo biirey intii ka danbeysey 1991.

    Ciidamada oo soo faaruqiyey waa taas kalmada saxa ee ku haboon.

    ceelka biyaha waa la faaruqiyey. ceelka biyaha waa la faarujiyey? kala wacan laba kalmadood micnahana ku kala wanaagsan.

    sidaas Umadii Somali u burburtey aya Afkii iyo dhaqankii Somalina burburey.

    FAARUQIYEY NOT FAARUJIYEY.