Gudiga doorashada madaxweynaha oo maanta shir ku leh guriga Umada

Gudigaan oo la magacaabay shalay kana koobaan 16 xubnood ayaa waxey manta fadhigoodi ugu horeeyay ku leeyihiin guriga Umada waxaa kaloo kulanka qeb ka ah gudoomiyaha baarlamaanka  waxaana loga fadhiyaa in aay ku dhawaaqaan xiliga aay dhaceeyso doorashada madaxweynaha Soomaaliya iyadoona la filaayo ineey sheegeen sharuudaha looga baahanyahay qofka isu soo sharaxaayo doorashada madaxweynaha federaaliga Soomaaliya.

Waxaa kaloo la filayaa inay doortaan Gudiyada, maaliyada, Baratocolka, gudiga sanaadiiqda codka iyo mid amni, waxaana marka ay doortaan ku dhawaaqi doonaan waqtiga ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha kulanka oo wali soconaayo ayaa la filayaa ineey ku dhawaqaan saacadaha soo aadan.

Waxii kasoo kordha kulankaas waxaad ka aqrisan doontaan Qaranimo Online –  www.qaranimo.com

By: Abdisalam Hussein Joker

__________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 31, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.