Qaybtii 12aad ee qisadii: ”Ila OOY!!!”

W/Q Ifraax Yusuf ( Ifka) | Qoraal walba Qarnigiisa, Qalin walba Qisadiisa, ee aqriste Qaracanka Qarankaaga wiilkiisa Qorsheeyay ma diidantahay in aad Qiratid?

Sikasta oo aan iskaga reebay, oo iskaga dheereeyaba, balsa kuma aan guuleeysanin, oo waxkasta oo aan ku xakumo waa qaataa. Hooyadiisna markay i aragto ama aan ugu tagay gurigeeda martiqaad ay ayada ii sameeysay si aan isku barano waxeey iila dhaqantaa sida boqorad. Xiligaan sidaas darteed aad baan uu wareeysanahay weli, maxaayeelay ma aqoonin wax aan rumeeysato. Ma dadka warkooda masa Bile iyo hooydiis ficilkooda? Waasa  adagtahay markay saaxiibaday oo dhan gabar iyo wiilalba ay ku yihiin mucaarad oo u arkaan nin iskala weeyn ayaga sababta magaca iyo maalka ay leeyihiin reerkiisa dartiis. Fartuun ahaan waligay kama qaadanin shan boqol oo shilin soomaali ah, wax aan aheeyn hadiyad oo soo gaday asiga.

Dhawr jeer ayuu ii keenay bashqad lacag ku jirto masa ka qaadanin anigoo aad u neceb in aan cuno xoolo aan laheeyn hadane aan ka qaaday nin aan isa shukaansaneeyno oo kaliya, jawaabtayda waxeey aheeyd: “ Raali ahaaw… laakiin soo ma ogid in aan shaqeeysto? Sharaftayda gabarnimo miyaad isku dayee in aad lacagtaada ku gadatid mudane? Ma ihi gabar sidaas u ah raqiis..!” Waxeey aheeyd markii koowaad oo iigu xanaaqay, iigana maqnaa sadax malmood asigoonan xataa i soo wecin, maxaayeelay waxuu ka kululaaday in aan ku tilmaamay nin ciyaalsuuq ah oo gabdhaha ku soo jiito lacag, waana adkaatay inuu ii danbi dhaafo ama iska hilmaamo. Waxuu xataa bedelay labiskiisa, oo waxuu noqday nin iska mid dhigaayo dadka caadiga ah ee bulshada.

Waxaan xasuutaa inuu iska dhaafay inuu xirto saacad, maxaayeelay hooyadiis ma aqbaleeyso inuu qaato saacadkasta ee dalkaan laga xirto, asna ma doonaayo in loo calaamadeeyo sababta labiskiisa, baabuurkiisa ama saacadiisa inkastoo nabadna jirin, oo tuug iyo isbaaro meelkasta taalay xiligaan waddanka. Markaan soo laabtay waxaan u imid ninkii waayeelka ahaa oo indhaha gaduuteen, waa isku naxay, kuna iri: “ Adeer adigoo raali ah maxaa kugu dhacay? Ma fiicantahay?” Waxuuna yiri eraygii aan la suuxi gaaray: “ Waxaan soo xasuustaa markii aan ahaa dhalinyarada sida wiilkaas aan u jeclaa gabar, laakiin ay dunida iigu necebtahay maantay ilaa ay ii diido in wiilkayga dadka iga aqoonsado..!” Waa la calool xumaaday, miskiin ayaa niyada iska iri, waxaan sii waday suaalihii aan weeydiinaayay, markii aan ka dhamaaday oo aan u dooni raba dhaqtar si uu ula kulmo, ayaa waxaa is iri horay u sii qaddo bacdaan oo qolka shaqaalaha sii geeyso, aan soo qabtayba waxaa ka soo daatay masawiradii, waxaana iiga hormaray ninkii waayeelka ahaa oo aan islahaa si dhib leh ayuu ku istaagaa, sawir aan aniga iyo Bile nahay ayuu qabtay, oo aad u fiirshay, iguna yiri: “ Nin weeyn ayuu noqday waqtigu waa ordaayaa…!” Shaki ayaa ii galay, waxaana ku iri: “ Ee adeer ma taqaanaa wiilkaan?” Jawaabtiisa naxtin iyo shaki badan oo aan ka qabo ninka aan guursan rabo nasabkiisa ayeey igu dhalisay. Suaalihii ayaana ka badiyay, si aan u ogaadu sida wax u dhaceen oo dhan, waxuuna ii sheegay qisada aad soo aqrisay hada.

Waxaana goaansaday in aan Maxamad Gaas Cali u soo celsho wiilkiisa, waxkasta oo ay igu qaadataba. Maxaayeelay danbi waa galay, waxuusa diyaar u yahay inuu ka toobad keeno, oo la cafiyo, loo ogolaadu oo kaliya wiilkiisa inuu aabe yiraahdu hal mar xataa, waana yaryahay nin soomaali ah oo leh dareenkaas, ama ogol oo qiranaaya inuu yahay danbiile asiga qalad weeyn nolosha gacalisadiisii hore iyo mustaqbalka caruurtiisa gelshay.  Si aan ugu soo baxo balanta aan ka galay adeer Maxamad Gaas  waxaana hely warbixin badan, ilaa aan ku dheerado in aan Bile si toos ah u weeydiiy sababta uusan waligiis iiga sheekeeynin aabahiis, ama iigu barin sida hooyadiis oo kale. Bile arintaan  yaab iyo fajac ayeey ku noqotay, waxuuna isku dayay inta uusan iisheekeeynin inuu iga ogaadu bal waxa aan ogahay, umasa siinin jaanis ilaa oo arin ii daadiyay. Waxuuna igu yiri: “ Adiga waa iska jeceshahay wanaaga macaanto. Laakiin ma adna arkin in adigoo ooynaayo shan jir ah aabahaa albaabka ka soo xirto, oo uusan dib danbe ku soo raadinin.

Ma aadna arkin sanado badan hooyadaa oo murugeeysan oo ooyneeysa maxaayeelay adiga ayeey kaa dooratay nolosheeda! Ma cafinaayo, mana la kulmaayo, mana ku qasbani. Hooyday ayaa iigu filan, waligeedna iigu filneed, riyadeedana u rumeeynaa insha Alah.!” Waxaana ku iri anigoo hubsaday in muran uusan meel dheer na geeyn doonin, fahan oo uusan Bile ama aniga ku soo saaidin doonin: “ Bile waxaan ka xumahay in aad ku qasbantaay arintaan…. maxaayeelay aniga sida gabar kasta ku riyooneeyso waxaan jeclahay in aabaha  noqonaayo aabahayga labaad, oo iga doonto aabahay. Tan kale ma doonaayo in aan arko maalin ay ilmaheena na weeydiiyaan suaasha aan aniga hada ku weeydiiyay ee ah: “Horta aabe aabehiis, awoowe aaway? Waligeen ma maqlin wax ka sheekeeynayo awoowahaas! Taas waxaa iiga sii daran adiga cuqdada aad iga sheekeeysay oo ad u qabtid in ay ku diidi karto in aad aabe dhab ah u noqotid caruuta Illaah insha Alah na siin doono. Maxaayeelay kalsooni badan iyo jaceylkii aabahaa ayaa kaa maqan… GOAANKAAGA SOO GAAR ANIGA AMA ANIGA LAA’AAN IYO AABAHAA LA’AAN!.” Markaan ayuu fahmay in aniga arin dhab iga tahay, waana kala tagnay, anigoo ka naxsan jawaabtiisa, kana cabsi qabo in qatar aan loo baahneeyn aan gelshay nolosheena.

Subaxii alaseey inta aan aadin shaqada ayaan maqlay telefanka gurigeena oo dhacaayo, waa qabtay markiiba anigoo kushiinka dhinaciisa ka orday, oo is leh ma kuwii shaqada oo soo orod ku dhihi rabaa, wax xabad ahna maba maqlin subaxaan, Raadiyaha i shidnaayna wax dagaal ma sheegine. Balsa codku ma aheeyn mid aan subaxaan jecleeystay maqalkiisa, sina waa iiga farxiyay. Waa Bile hooyadiis oo ka cabaneeyso in aan wiikeeda bedelay, kana daayo dhibka joogtada ah oo aan ugu haayo sababta inuu i jecelyahay. Waxeey ii sheegtay in Bile weli ogoleen, balsa ay  ka dhaadhacsiin doonto, aabahiis u cafin doonto marlabaad wiilkeeda ay waligeed u nooleed dartiis jaceylkiisa, oo u yeeli doonto aabe, iina raacisay: “ Waligay iguma soo dhicin gabar oo Bile guur ka rabo ayaa kugu xujeeyn doonto in aabahiis ka soo doonto aabaheed, sababta dhaqan aan waxba ka jirin, waxba isma dhaanto in hooyo ama aabe midkooda waalidkooda ka soo doonto gabaraay.

Laakiin dantaada waad gaartay…..!” Telefankii ayeey damisay ayadoonan ii fasixin in aan hadlo, oo is difaaco. Ma aqoonin wax aan dareemay, dhibaatada aan geeystay weeynin badnaa, ayaan isku canaantay.  Nasib wanaag  waddo qurxoon beey xiligaan ku socday  xariirkeena oo Bile marsiiyay, ragganimadiisa iyo dulqaadkiisa ayuu ku gaaray, madaama uu mujiyay isbedel weeyn iyo rabitaan oo rabo inuu i hanto

Qalinkii sida ay u dhameeyeen dhaqaatiirta halkaan ayaan taagnaa, oo u fiirsanaa ninkayga aan dhaqdhaqaaq kale ka muuqanin neefta xooga ugu soo baxeeyso ma ahane. Bile kama soo kicin suuxtintii dheereed oo ku jiray subaxii danbe oo dhan, maalinkii waa dhamaaday anigoo weli sidii u ag fadhiyo. Anigoo sariirtisa agtaagan, oo ku siinaayo  daawooyinkiisa faleenbo ayeey qolka i soo galay gabar dhar cad ee ordeeyso, waxeeyna ku qaylisay: “ Weey dhimatay… weey dhimatay !!! waa la dilay….!” Waxaan ku dhameeyay daawadii faleenbada, isna dejiyay, si shaqada aan u haayo aan u deeynin, oo aan dhibaato ninkayga  bukaankayga ah ee suuxsan ugu geeysanin.

Waxaan iska dhigay alaabtii aan waday, iska baxshay maradii cadeed ee aan ka kor watay dharkayga shaqada, dhinaca kale ee qolka  ayaan  la soo aaday banaanka, oo ku iri: “ Yaa la dilay? Yaasa dilay?” Waxeeyna igu tiri: “ Aamino!! waa la dilay! Ma ogi qofka iihihihi.. waa dhimatay Aamino!  Waddankaan waa nacay ani. Intaan aa igu filan…!”………………………………

 Aqriste la soco qaybta 13 ee qisadii qaraarka badneeyd ee ”Ila OOY!!!” .

Wixii dhaliil ama sixitaan luuqadeed ah igu soo hagaaji

emailkaan: samsam_1989@hotmail.com  | 31/08/2012  | W/Q Ifraax Yusuf (Ifka)

____________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 31, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.