Sh. Shibille “nimaan kuu furi doonin yuusan kuu rarin”

Isagoo la hadlayay kumanaan Jamaacada Masjidka Alhidaaya ee xaafada Islii Sheekh Maxamuud Shibille ayuu ka hadlay wacyiga ugu danbeeya ee haatan umada Muslimiinta ay ku jiraan.

Khudbada Sheekha ayaa aheyd inta badan mid salka ku haya hadalo been abuuro ahaa oo dhawaan laga baahiyay Sheikh Shariif C/nuur iyo waliba ujeedka ka danbeeya qalalaasaha xooga leh oo haatan ka jira magalaada Mombasa iyo saameynta uu ku yeelan karo umada Muslimiinta ah gaar ahaan Soomaalida ku dhaqan guud ahaan wadankaKenya.

Ugu horeynta waxa uu Sheekha uga digay dadka ka been abuurtay Sheikh Shariif C/nuur in ay Ilaahay uga baqaan waxa ay ku kacayaan xiligaan isagoona sheegay in Shariif C/nuur uusan awood u laheyn xiligaan in uu fatwa kasoo saaro arimaha ka jira dalka iskaba dhaafee uusan kala garaneynin xigta u ah oo xiligaan uu ku jiro xaalad aad u liidato ee dhanka caafimaadka sidaa awgeedna ehelada Sheekha aysan u fasixin dadka kale in su’aalo ay weydiiyaan iskaba dhaaf wax uu ka jawaabee.

“Qaar ka mid warbaahinta Soomaalida ee beenta ka caada dhigtay ayaa dhawaan waxa ay soo daabaceen cod been abuur ah oo ay ka sameeyay Sheekh Shariif C/nuur ayagoo ku daray been abuuro kale oo dhankooda ah taa oo ay ku marin habaabinayaan dadka Muslimiinta oo ay uga dhigayaan cod hada ah…. Codka sheekha uu ku sheegayo arimaha dagaalka ayaa ah mid 2007-da xiligii maxaakiimta uu ka jeeday wadanka Somaliaaysana aheyn mid haatan uu yiri” ayuu yiri Sheekh Shibille oo markaasi ay ka muuqatay wijigiisa caro aad u balaaran.

Sh. Shibille ayaa ku booriyay umada Soomaaliyeed gaar ahaa xiligaan in umadaha Islaamka ay ku jiraan xaalad laga awood roonyahay ayna wanaagsanaan laheyd in ay ku hadiyoobaan hadalkii Nabi Mohamed SCW oo yiri xiligii Diinta Islaamka ay ku koobneed Makka oo Islaamka uu awooda yaraa” Kufuu aydiikum” oo ah gacantiina ceshta waxa uu tusaale u soo qaatay ninkii xiligaasi soo Islaamay ee Nabiga CSW uu ku amray in uu qarsado Diintiisa uu reerkiisa oo gaala ahaa la joogo xiliga uu maqlo in Islaamka uu awood yeesho uu u yimaado. Balse ninkaasi ayaa ka hor sheegay Makka oo la buuxo in uu Islaamay ayadoo la dili rabana uu nin kale arimo qabiil uga celiyay.

“ Arinta Mombasa waa mid dano gaar ah laga leeyahay laguna doonayo in lagu xalaaleysto dhiiga iyo waliba sharafa iyo hantida Islaamka ah gaar ahaan Soomaalida oo xiligaan far gooni ah ay ku godantahay” ayuu yiri Sheekha waxa uuna uga digay umada Islaamka ah ee halkaasi ku dhaqan in ay iska jiraan dadka doonaya in ay ku qaraabtaan sidii dhawaan ka dhacday magaalada Nairobi ee dibad baxayada looga oogay dadkii ka danbeyayna ay ka dhuunteen.

Waxa uu sheegay Sheekha in mar walba iyo meel walba ay joogaan umada Islaamka la doonayo in lagu xadgubdo waxa uuna uga digay Soomaalida arinta ka soconeyso haatan magaalada Mombasa iyo wadan ciidamadiisa dagaal uu jiro wadankana ay uu ku jiro xaalad kala guur in ay il gaar ah u yeeshaan.

Guuxa kasoo yeeray culumada Islaamaka Soomaaliyeed ayaa salka ku haya ka gadaal markii mudooyinkii ugu danbeyay ay jireen rag ku qaraabanaya magaca culumada iskoona u fawoonaya taa oo ka careysiisay dhamaan Culumada Islaamka aduunka gaar ahaan xaalada ka jirta wadanka Soomaaliya xiligaan.

Mohamed Ibrahim Ayaanle | Ayaanle19@gmail.com  | Nairobi–Kenya

___________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 31, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

3 Responses to Sh. Shibille “nimaan kuu furi doonin yuusan kuu rarin”

  1. war naya sheikha fartadi hakutagin waa sheikha uga fiican umada somaliyeed oo waliba jacel umada oo dhan sheikh shibili ilahay hakuxafido wan imanaynaa wadanka in shalah shaqo culus ayad kujirtaa walahi mashalah ilahay garabkadi hagalo sheikh xaqana alle hatuso somalidan beenta badan oo waliba umada iska horkeenayo.sheikh shibili wan kujecnahay walahi mashalah waxan soo xasuustaa noloshii an kasooqatay islii iyo waliba khudbadadi macaneed ee masajidka al hidaayo lakin hada waxan jooga dhulgaalo in shalah wan imanaynaa sheikha shibili ilahay garabkadi hagalo amiin amiin amiin

  2. maanta magaalda xayo kenyan iyo dabaqoodhiyaa la dhigee af labo adin furta.xayo o noqotay dayniile iyo yurkut.goobta lagu halaago kufaarta wadankeena soo weerartay.waxaa kalo jira in shabeelada hoose number 60 ilaa afgooye dhalinyarada qabsadeen iyo welibo calamada.marka kii ka ooy lahaay jabka kufaarta wa ahowl idiin taalo.soomaliya waa dhul dad soomali muslim ah leeyihiin.kenya,ethopia,burundi,ugandha iyo weliba western ay u suubiyaan shaqada dhulka malaha.somaliya somalai baa leh weliba ina xalaasha ah kaliya ee neceb in dastuur gaaleed aan loo soo suubin,uu mahiiga ne ku maamulin.

  3. hoteelada nairobi kuugu yaal maad u naxday mise qalindar aad ku wado dhalinyarada?sh shariif cabdinuur waa caafimaad qabaa allaha xifdiyee.idinkane markii kufaartu dhib so gaaro fadwa dhiiba.