Soomaalya ka warran? Q5AAD

Xamaasaddii siyaasadda yaa cirka isku shareertay, waxaa dhacay isbedello dhinacyo badan ah, Dowladda ku meelgaadhka ah waxay Doobatay Guddoon Baarlamaan Gobolona waa loo qabtay, Doorashadii kala reebtana ahaydna waa la wada sugayaa, oo Raggan hoganaya Hoteellada Muqdisho waxay kala noqon doonaan: rag jago heli doona iyo rag dib ugu laaban doona shaqooyinkoodii hore.

Dadka sharraxani uma badna Qaranjoog ee waa Qurbajoog soo daashay qaarkoodna wadamada ay joogaan waxayba kaga qornaayeen Hawlgab iyo Naafo, balse, dadka ay doonayaan inay doortaan ma yaqaannan waa sheekadii Soomaalya ka warran?, oo awal foolka fool ahayd, maantase waa khadka telefoonka, waxay dhexmaraysaa Laba oday oo Rafiiq hore ahaa, waa Qurbejoog oo wardoona iyo Qaranjoog oo xog warrana.

Qurbajoog: Hello waryaahee Qaranjoog ii warran ma wanaagsantahay?

Qaranjoog: Waa wanaagsanahay ee ii waran Qurbajoogoow beryaan la isma maqline, reerkii iyo carruurtii ka warran?.

Qurbajoog: Reerna war uma hayee, anigu waan soo xidhxidhtay oo waan soo socdaa ee siyaasadda dalka iiga warran?.

Qaranjoog: Oo xaggaad u soo socotaa?!

Qurbajoog: Dhulkii iyo Dadkii iyo Wadankii, waxaa la gaadhay waqtigii dalka wax loo qaban lahaa, maxaa dhacay?.

Qaranjoog: War bal yaabkan iyo lama aragtan kaalaya arka! Oo heedheh, sawdinkii shalay ka yaacay ee lahaa waa lama galaan waa beertii miinada ee haddii la idin weydiiyo marka aad is dhiibaysaan dalkaagii hadduu nabad noqdo dib ma ugu laabanaysaa? Sawdinkii odhan jiray ma aha: maya, maya, weligay ku noqon maayo maxaa is bedelay?

Qurbajoog: War niyaw afartan gu’ baan ku aqaana ismaad bedelin naga daa ku caddeynta reer magaalku runta ma jeclee dalkii ka warran?

Qaranjoog: Dalkii waxaa ka dhacay isbedello badan, laakiin, weli lama kala bixin, oo goroddaa la iskula jiraa, shirarbaa madlan, raggii qaar waa la doortay qaarna waa soo tuban yihiin sidii Geel Horweyna oo Jilaal badhtankii joogaa Dhengad lala hortaagan yahay oo loogu heesayaa “Hilaacii Shalay kii habeen hore  kaa haddeer yimid iskuma heshide mid uun ku hagaag !

Qurbajoog: War iga daa Geel ha iiga sheekayne, Waraabe cunka waanba necbahay magaciisa.

Qaranjoog: Halkan waraabuhu isagoo wax cunaad ogayd ee iminka isagaa la cunaa, waa laga tegay waqtigii la isku habaari jiray!

Qurbajoog: War heedheh Abaarihii iyo Gu’gii colaaddu billaabatay ee Gaajo weyne xitaa Maqaarka iyo Qobka Mooska la cunay Waraabe lama cunine, maxaa hadda lagu falay?!

Qaranjoog: Belo! Nin Hindiya oo la yiraahdo Abuu Raaj ayaa faaliyey, oo wuxuu Shabaabka ku yiri: “Waa inaad magaalooyinka aad haysataan Xiniinye Waraabe intaan godod u qoddaan ku aastaan, habeen walbana Waraabe hilibkiisa la cuno” marka waa kaarto meleteri oo cusub, waa moora mooradii dadka qaar samayn jireen, Ilka Bisadeed iyo Xirribo Eey ayaa colka inaga baajin karadii casri Jaahiligii faalka la dhigi jiray xilliyada colaadda.

Qurbajoog: Wallaahay waaba halkii laga dhihi lahaa: “Cumrigaaga oo dheeraada Waraabe la cunaana waa ku tusaa” oo horta ma xalaalbaa ?

Qaranjoog: Adeer Mufti ma ihiye Umal weydii! Miyaadan aqrisan Qormada Bashir M .Hersi ka qoray ee ah: “Umaloow Waraabaha maxaa xiga?!” halkaasaannu taaganahay!

Qurbajoog: Mayee, waxaa isoo gaadhay Saarkii Waraabaha ee Waraabe cabanayey soo tiriyey.

Qaranjoog: Heesana xitaa waa jiraane dhawaan soo bixi doona, oo uu Waraabuhu qaaday ee la soco, saw maad arag Saarka inuu Waraabuhu yidhi; Dhulka waa iskaga baxayaa, sidiinnaan oo is dhiibayaa, adiguna haddaad leedahay waan soo socdaa!

Qurbajoog: Bal jawaari ka warran iyo doorashadiisa aad baa loo ammaanayee?

Qaranjoog: Barakaat ka qaado barakaad u dhiibo ma maqashay? Meeshan Kursiyadu waa dhaxaltooyo, haddii Caddaalad jirto, Beesha Afraad iyo Beesha Shanaad ayaa ku soo bixi lahaa, Beesha Saddexaad weligeedba iyadaa lahayd waxba isma bedelin, ninkii hore kanaa ka shahaadooyin badan ayaa la yidhi balse isaguna Daltuurka, Doctuurka,

dantuurka godobaysan ee dhagaraysan raggii dalka keenay ayuu ku jiray Ilaahay baa xaal og, haddi doorasho la sheegana maba dhicin, waxay ahayd: “Duub aan Caano lagu daadin!”.

Qurbajoog: Shariif Shiikh axmed ka warran isagana rajadiisa?

Qaranjoog: Niyaw Shariifka laba arrimood haddii laga helayo waa ok, hadduu caddeeyo in afartiisii sano hadda fahan uu qaatey oo hadda la joogo afartii shacabka waa ok, oo aanu waxba naga rabin, dhoofka badana uu isaka daynayo, oo dalka xaalkiisa la soconayo, tan labaad inuu gobollada iyo degmooyinka uu magacaabayo dib noogu dhigoo dalka ka hirgaliyo maamul goboleedyo ama federaalka wax ka bedelo oo 18kii Gobol lagu saleeyo ama 8-kii Gobol ee hore, haddii sidaa uu yeelayo waxaan leeyahay ha loo codeeyo, haddii kale oo weli sidii hore yahay hana moodo ayaan leeyahay.

Qurbajoog: Shariif xasan ka warran isaga xaalkiisa siduu yahay?

Qaranjoog: Isaga Baskaa ka buuxsamay, waxaa ka qabsaday kursigiisii Jawaari Madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal ayaa odhan jiray: “Ducaysane xilku waa meerto” hadda isagii sidaasaa ku dhacday, laakiin, wuxuu soo qaadanayaa qandaraas cusub oo Ra’iisalwasaaraha Itoobiya ayuu hadyad u qaaday wuxuuna rabaa inuu noqdo Madaxweynaha Maamul Goboleed Koonfurgalbeed state Southweststate halkaasuu ciyaarta ka soo billaabayaa .

Qurbajoog: Gaas ka warran, isaga waa sidee xaalkiisa iyo rajadiisa?

Qaranjoog: Gaas waa ninka ugu rajada xun waayo dadkiibaa bartay wuxuu noqday: “Bartii yaqaan bari uma korodho” Soomaaliya oo dhan Puntland ayaa kala weyn iyo beeshiisa, dee dhawr xildhibaan oo reerkooda ah ayaa la joogay iyagiina waxay ku biireen kooxda Farmaajo iyo Murashixiinta kale ee beelahooda, waa xildhibaan Soomaaliyeed waxaanse maqlayey inuu dib idiinku soo noqonayo oo ardayda Jaamacadaha Maraykana iyo Yurub siin doono Xiisad horumarinta Qabyaaladda iyo Musuqmaasuqa “Development Trapilsm and Correption” Sidaasaa xan igu soo gaadhay

Qurbajoog: Farmaajo isaga waa sidee xaalkiisa ninkaasi taageero badan ayuu haystaaye?

Qaranjoog: Farmaajo horta waa hogaamiye dhalinyaro ah, balse, awal wixii loo sheegay iyo wuxuu arkay ayaa kala duwan, markaa hadda ka hor wuxuu qoray buug oo kaga hadlayey beelaha iyo deegaamada Soomaaliyeed, oo uu waliba beelo iyo madaxdii qaranka soo martay ee aan beeshiisa ahayn u gafay, maanta wuxuu ku leeyahay waxaan qoray waa been marka beelihii uu awal dhaleeceeyey waxay dhaheen Buug kale qor yaa Wadaniya yaanse wadani ahayn! Markaa hadda kala barashada beelaha Soomaaliyeed iyo deegaamada Soomaaliyeed ayuu ku jiraa, laakiin, hadduu doorashada ka hor dhammeeyo buugga Rajadiisu ma xuma!

Qurbajoog: Prof Samatar ka warran isaga dadku aad bay u ammaanayeene?

Qaranjoog: Prof Samatar waa nin wanaagsan oo daacada aqoon ku filan iyo khibradna leh, laakiin, cillada haysataa waxay tahay, xoogga ma saaro Dhaqanka Soomaalida inta badan wuxuu tusaale u soo qaadanayaa Reer Galbeedka af Ingiriisina waxbuu ku sharaxayaa, markaa Odayaashii Dhaqanka iyo Bulshada fahankeedii ayaa ku adkaaday, dadkana weli Shabaab wacdigiisii ayaa ku danbeeyaa, oo ninka Maraykana iyo tusaale u soo qaata Dowladaha Galbeedka way ka shakiyaan ciladdaas dawadeeda haduu helo isaguna ma rajo xuma.

Qurbajoog: Dr Cabdiraxmaan Baadiyoow ka waran isagana shacbiyad badan ayuu wataa ayaa la leeyahaye?

Qaranjoog:Hayaay ! war ninkan horta waaba nin cajiiba, maalin dhawayd ayaan anigoo daawanaya HorncableTV ayaa qadar xayeysiis ah la yidhi, Halkaan ka sugayey sidii caadada ahayd xayeysiin Xawaalad, Shirkad Diyaaradeed, Hoteellada Nairobi iyo Imaraadka laga

dhiso iyo Islaamaha iibiya alaabta la isku caddeeyo waxaaba iiga soo booday “Dalka yaa hagi kara, yaa hoggaan ku xidhi kara, yaa horseed ka noqon kara, yaa …yaa….” Waan yaabay mise waa Dr Baadiyoow intaas ka dib waxaan idhi ninkan telefishinka laga xayeysiinayo waa heersare Google ayaan u diray oo ka raadiyey mise haddaan taariikhdiisii dhex galay waa reer “AL” af kala qaad dee iminka dadka waxay maqlaan “AL iyo ABuu ama Ummu” ayay ugu neceb yihiin, isagana ciladdaas ayaa jirta, hadduuse caddeeyo inuu ka madax banaan yahay macquul in uu taageero helo.

Qurbajoog: Iminka ma waxaad i leedahay iska jog, meesha waxba ma yaallaane mise waan xidhxidhanahay ee waan soo baxaa?.

Qaranjoog: Niyaw aan kula kaftamee waxaan u malaynayaa qolyihii Carabtaa mar qudha dalka ku soo xarooday markaad weydiiso maxaa Sacuudiga, Emaraatkii, Kuwayt, Qadar, uga timaadeen waxay ku odhanayaan, Hindiy iyo indho yar ayaa naga soo saaray oo lacag yar ku shaqaynaya, Iminka dadkii Yurub iyo Amerika ayaa soo qulqulayaa ma caydhii baa la joojiyey mise Taxiyadii ayaa la idinku qabsaday oo qolyo idinka jaban ayaa yimid koloo

Shuucigii Yurubta bari ayaa Midowga Yurub ku soo biirey oo shaqaalihii dhulka xaadhi jiray iyo kuwii xamaali jiray suuqa ka saaraye?!

Qurbajoog: War niyaw maahee meeshan waanu ku habsaanaym waxba ma yaallaan, dee waxaa la yidhi; dalkii adigoo suudh gashan haddaad tagto, xaggeed ka timid meel hebla af kalena aad ku hadlayso maxaad soo baratay iyo maxaad taqaan lagu odhan maayee, Wasiir baa laguu dhiibayaa, iyadoo ardaydii dalka Jaamacadaha uga baxday iyo aqoonyahankii Qaranjooga ahaaba buuxo, dee ma anagaa suuqa idinka xidhnay shacabka ayaa noo heellan oo na rabee!

Qaranjoog: War maanta halkaa ha inoo joogto inta Madaxweynaha laga dooranayo iska jog, haddii kale iska kaalay nasiibkaagaad qaadaysaaye, anaguna maalmaan shaaha kaa cabi lahayne!

La soco qaybaha danbe……..

Cabdiraxiin Hilowle Galayr |  Galayr1977@hotmail.com

_________________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on August 31, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login