Arin layaab leh ayaa waxay caawa ka dhacay Degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose, xilli la-filaayay in Xarakada Al Shabaab laga saari doono Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubbada Hoose.
Ciidamadda Huwanta oo galabta dagaalo culus ku soo qaaday fariisimaha ay Xoogaga Shabaab ku lee-yihiin daafaha Magaalad Kismaayo, ayaa wuxuu qorshahoodu ahaa inay ku soo gaaraan Magaalada Kismaayo.
Hase ahaatee ciidamo xoogan oo Al Shabaab ka tirsan oo ka soo baxay Magaalada Bu’aale ee Gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxay weeraro culus ay ku soo qaadeen Degmada Afmadow, waxaana ka dhacay dagaalo xoogan.
Dagaalada caawa ka dhacay Degmada Afmadow oo hubka cul culus leesku adeegsaday, ayaa waxay khasaarooyin kala duwan ay ka soo kala gaareyn Ciidamadda Huwanta iyo Ciidamadda Al Shabaab.
Shacabka ku dhaqan Degmada Afmadow ayaa waxay caawa sheegeen inay arin layaab leh ay ku noqotay, in dagaalo culus ay ka dhacaan gudaha Degmada Afmadow, xilli aan fileynay bay yiraahdeen in Shabaab laga saaraayo Magaalada Kismaayo.
Iskusoo wada-duuboo waxaa la-xaqiijiyay in Ciidamadda Militariga ee Dowladda Kenya galabta laga soo riday diyaarad Helicopter ah, inkastoo aysan taasi weli ka hadlin Dowladda Kenya.
Share on Facebook
![]()
|
![]() |
Socialize