Wararka laga helaayo magaalada kismaayo ee xarunta gobolka jubada hoose ayaa sheegaya in Markab dagaal oo taagan xeebta magaalada uu caawa duqeymo la beegsaday magaalada kismaayo ,goobaha ay duqeyn ku dhacday ayaaa waxaa ka mida Dekada magaalada taas oo aay gacanta ku hayaan dhaqdhaqaaqa Alshabaab .
Duqeenta ayaa waxeey walwal iyo cabsi ku abuurtay dadkii deganaa magaalada iaydoo baryahaan aay iska qasned xaalada magaalada ayadoo dadku ka qaxayeen maalmahaan cabsi aay ka qabeen dagaalo ka dhaco magaalada .
Sida ay sheegayaan wararka Markabka dagaalka ayaa dhowr gantaal ku riday Dekeda Kismaayo iyo Xaafadaha ku dhow dhow, inkastoo aan la ogeyn qasaaraha ay geysteen.
Ciidamada Alshabaab ayaa isku gadaamay goobaha aay ka dhaceen duqeyntu lamina oga sababta ka danbeeysa maadaama dadka degaanku ka cabsii qabaan in lagu tuhmo ineey hagayaan duqeynta .
Duqeyntaloo ayaa ku soo aadeysa xili dagaalo ka soconayaan degaano ku dhaw dhaw magaalada kismaayo xili maanta Alshabab aay kusoo bandhigeen halkaas medad ay sheegeen ineey qeeb ka ahaayeen ciidamo aay shalay ku dileen dagaal dhexmaray iyaga iyo kuwa huwantaa.
by: abdisalam joker
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login