Iyadoo shalay dagaalo xoogan ay ka dhaceen Gobalka Jubadda Hoose islamarkaana dagaaladaasi u dhaxeeyay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya iyo sidoo kale ururka Al-Shabaab ayaa dagaaladaasi waxaa ka hadlay Saraakiisha ciidamada dowladda.
Wuxuu sheegay in dhamaan deeganadii lagu dagaalamay ay hada ku sugan yihiin ciidamada dowladda islamarkaana Al-Shabaab aysna joogin.
Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa sheegtay in intii dagaalku uu socday lasoo riday labo kamid ah diyaaradaha dagaalka Kenya, balse waxaa warkaasi been abuur ku tilmaamay Gaashaanle Dhexe Aadan Axmed Xirsi Rufle.
Wuxuu tilmaamay in wararka sheegaya in Al-Shabaab ay soo rideen diyaarad dagaal uu yahay mid been abuur ah islamarkaana taasi aysan waxba ka jirin.
Marka laga soo tago dagaalada ka dhacay deegaanada Biibi iyo Janaay Cabdalle ayaa waxaa jiray dagaal dhabar jebin ah oo ay dagaalyahanada Al shabaab ku qaadeen Degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
Wararka aan ka helnay dagaalka ka dhacay Afmadoow waxay sheegeen in shabaabku ay gudaha u galeen xaafado kamid ah Magaalada kadibna dib uga baxeen, Gaashaanle Dhexe Aadan Axmed Xirsi Rufle oo aan wax ka waydiinay waxa uu sheegay inay magaalada hoobiyeyaal kusoo weerareen shabaabku waxaana uu beeniyay inay qaddar kooban ka talinaayeen
Ugu dambeyntii Aadan Axmed Xirsi Rufle ayaa waxa uu sheegay inay sii wadi doonaan hawlgalada waxaana uu xusay in deegaanada qaar ay Kismaayo u jiraan 25-KM, isaga oo dhanka kale dadka rayidka ah ee dagaalada ka cabsi qaba ugu baaqay inay is dejiyaan.
![]() |
You must be logged in to post a comment Login