Guddiga Qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha ee Soomaaliya ayaa maanta Gudoomiye ku xigeen u doortay, Xildhibaan Axmed Cusmaan Ibraahim (Daqare) Sidoo kale waxaa Afhayeen loo dootay in uu noqdo Xildhibaan Cusmaan Libaax Ibraahim, iyagoona Khasnajiga Guddiga u doortay Xildhibaanad Khadiija Maxamed Diiriye.
Gudiga qabashada Araajirada iyo Qoraalada
Guddiga amniga iyo Habmaamuuska
Guddiga Dhaqaalaha
Guddiga Doorashada ayaa isku raacay in xilliga doorashada Madaxweynaha waxaana ay sheegeen in ay dheceyso 10-ka Bisha qabashada araajida Musharixiintana ay bilaabmi doonto 03-da Bisha Septembar waxaana ay ku egtahay 06-da Bisha
Sidoo kale Guddiga waxa ay Go,aamiyeen in araaji qabashada maalin waliba ay bilaabaneyso Seddex Saac Subaxnimo ayna ku Egtahay Kow iyo Toban Saac Galabnimo.
Xafiiska Araajo qabashada aayey sheegeen in uu kuyaalo Xarunta Golaha Shacabka. Waxaana ay sheegeen in 09-ka Bisha ay tahay Maalinta Ololaha Doorashada 10-k Bishana ay tahay Maalinta sida Rasmiga ay u qabsoomi doonto Doorshada Madaxweynaha soomaaliya .
_______________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize