Kooxda ka dhisan Dalka Isbeyn ee Atletico Madrid ayaa Xalay ku Guuleysatay Koobka European Super Cup ka dib Markii ay Ciyaartii loo dhigay Koobkaasi ay 4-1 ku dubatay Kooxda Chelsea ee hore u qaaday Koobka Champions Liguae iyadoo Marsiisay Wadadii ay Marisay Inter Milan.
Ciyaartaan oo aheyd mid ka dhacday Garoonka Kooxda Monaco ee Faransiiska ayaa waxaa Gacan sareysay Kooxda Atletico Madrid oo Xalay u diiday Chelsea oo ay ka muuqatay Daal iyo Habacsanaan inay Goolal Fara badan ka dhaliyaan Goolkooda waxaana Chelsea Jihada ka dhumiyay qeybtii horeee Ciyaarta GoolMa waaye Falcao oo u dhashay Dalka Kolombiya Lambarka 9 u sita Kooxda At.Madrid waxaan Xidigaasi uu 3 gool ka dhaliyay qeybti hore Kooxda Chelsea ( Hat-trick) iyadoo Fursado kalana ay ka lumeen Goolashaasi oo Niyada ka Xumeeyay Kooxda Chelsea oo Markii hore inta aysan Ciyaartu Bilaaban loo sii saadaalinayya inay Meel Saari doonto Atletico Madrid.
qeybtii Hore waxaa lagu kala Nastay 3-0 Hogaanka loogu Hayo Chelsea,qeybtii Danbe Markii la isagu sooLaabtay Atletico Madrid waxa ay heleen Goolkoodii 4 waxaana dhaliyay Ciyaaryahan Mirinda.
CHelsea waxii Goolkaais ka dambeeyay Waaga ayaa ku Baryayay waxaana ay qaaden dhowr weerar iyagoo sigay Fursado Badan waxna Goolka Madiga ah ee aydhaliyeen u dhaliyay Difaacooda Cahill waxana Ciyaartii ay ku dhamaatay 4-1 ay ku Badiyeen Atletico Madrid sidaana waxa ay kula Dabaal dageen iyaga iyo Macalinkooda Reer Arjantiin Diego Simone Koobka European Super Cup.
N.B Gool Ma waayaha Reer Kolombiya Falcao waxa uu ku Caanbaxay Maalinta Xaaladu tahay Koob in La kala qaado inuu furaha Goolka Kooxdiisa Noqdo Isagoo mudooyinkii ugu Dambeeyay Koobab kala duwan la qeybsaday Kooxdiisa Atletico Madrid vs Kooxdii uu ka yimid ee Fc Porto isla Markaana dhaliyay Goolasha ay Koobabka ku qaadeen.
Waxaa Diyaariyay
Axmed Maxamed Cabdulle’Uurdoox’ | Uurdoox2011@hotmail.com
__________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login