Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan dhanka waxbarashada, sayniska iyo dhaqanka ee loo yaqaano UNESCO ayaa walaac baahsan ka muujisay dilalka naxdinta badan ee loo gaysto bahda warbaahinta Soomaaliyeed.
UNESCO ayaa sheegtay in ay si aad ah uga xuntahay tacadiyada kala duwan ee loo gaysto Wariyayasha soomaaliyeed waxa ayna ka dhawaajisay in wax laga qabto dilalka ka dhanka suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Agaasimaha guud ee UNESCO Irina Bokova ayaa war saxaafadeed ay soo saartay ku cambaaraysay dhamaan tacadiyadii loo gaystay wariyayaasha soomaaliyeed waxa ayna Dawlada soomaaliyeed ka dlabaday in ay dadaald heer u agsho joojinta dilalka wariyayaasha sooamaliyeed.
Mrs. Bokova oo ah agaasimaha UNESCO ayaa ka codsatay maamullada Soomaalida in ay xaqiijiyaan ammaanka Bahda warbaahinta soomaaliya ka shaqeeya , iyadoo xustay in xorriyadda saxaafadda ay muhiim u tahay Soomaalida.
Dalka soomaaliya ayaa kaalmaha hore uga jira dalalka sida wayn loogu waxyeeleeyo wariyayaasha.
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login