Al-Shabab oo ka hadlay mowqifkooda ku aadan Dowlada cusub ee Somalia

Afhayeenka Guud ee Ururka Al-Shabaab ayaa ka hadlay arimaha haatan ka taagan Dalka Soomaaliya iyo qorshaha xilligan looga baxay KMG oo in mudda ah lagu shaqeynayay.

Sheikh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere afhayeenka ciidamada Al-Shabaab oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qorshaha looga baxayo ku meel gaarka uu yahay mid ay wataan wadamo shisheeye sida uu hadalka u dhigay, waxaana wadamada uu carabaabay ka mid ah Norwey iyo Dalka Kenya.

Waxaa uu sidoo kale sheegay Afhayeenka Al-Shabaab in qorshaha ugu weyn ee laga leeyahay arinta ka bixida Kumeel gaarka inay tahay dhul balaarsi iyo la bixida qeyraadka ku jira Dalka Soomaliya,sida uu hadalka u dhigay.

“Qorshaha looga baxayo xilliga KMG waa mid ay soo maleegeen dowladdo shisheeye waxaana lagu doonayaa in lagu gurto qeyraadka ku jira dalkeena”

Hadalka Afhayeenka Al-Shabaab Sheikh Cali Maxamuud Raage ayaa imaanaya iyadoo muddo hada laga gudbay xilliga KMG ah

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 2, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login