AMISOM oo ku waayay Askar nool dagaalkii ka dhacay nawaaxiga Kismanyo & Afmadowe

Afhayeenka ciidamada AMISOM Cali Aadan Xumad ayaa wuxuu ka hadlay dagaaladii labadii maalin aynu soo dhaafnay ka dhacay inta udhaxeysa Magaalooyinka Afmadoow iyo Magaalada Kismaayo.

Cali Aadan Xumad Afhayeenka ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay Gobalada Jubooyinka AMISOM ay ku weeyday ilaa shan askari oo ilaa iminka lagaran la,yahay halka ay qabteen isaga oo sheegay in labo kamid ah askartii Shalay shabaab ay kusoo bandhigeen Kismaayo ay ahaayeen Kenyan isaga oo taasi ku micneeyay in Al-Shabaab ay kala baxeen Isbitaal dabadeedna sidaasi ay ugu suura gashay inay qaataan.

Afhayeenka ciidamada AMISOM Cali Aadan Xumad ayaa sidoo kale wuxuu sheegay inay masuul ka yihiin Duqeeyntii ka dhacday Magaalada Kismaayo ee Gobalka Jubadda Hoose.

Wuxuu sheegay in si waliba oo gacanta loogu dhigi karo Magaalada Kismaayo ay sameynayaan islamarkaana Al-Shabaab cirka iyo dhulka intaba ay ka weerari doonaan.

Korneyl Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in waqtigii ay suura gal noqoto ay gacanta ku dhigayaan Magaalada Kismaayo si halkaasi ciidamada AMISO M ay nabadgelyo uga dhigaan.

Cali Aadan Xumad ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in qabsashada Magaalada Kismaayo kadib ay jiraan qorshooyin badan oo ku wajahan deeganada kale ee Al-Shabaab ay maamulaan isaga oo tilmaamay Magaalada Jowhar iyo Magaalooyin kaleba.

Labadii maalin aynu soo dhaafnay ayaa waxaa dagaalo xoogan ay ka dhaceen inta u dhaxeysa Magaalooyinka Kismaayo iyo sidoo kale Afmadoow halkaasi oo ay isku fara saareen Al-Shabaab iyo ciidamada dowladda Iyo AMISOM oo dhinac ah.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 2, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login