Afhayeenka ciidamada Kenya Major Emmanuel Chir chir ayaa waxaa uu ku qoray bogga uu ku leeyahay Tweter,ka in dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaano u dhaw dhaw magaalada Kismaayo ay khasaaro xoogan ku gaarsiiyeen dagaalyahanada Al-Shabab.
Major Emmanuel Chirchir waxaa uu qoraalkiisa ku sheegay in dagaalkii ka dhacay deegaanka Miido la yiraahdo ayh ku dileen illaa iyo 36 dagaalyahan oo Shabab ka tirsanaa kuwa kale oo intaa ka badana ay ku dhaawaceen.
Chir Chir oo ka mid ah afhayeenadda ciidamada Kenya waxaa uu xusay in dhankooda uuu jiro khasaaro soo gaaray si gaar ah waxaa uu sheegay inay la’ayihiin 5 askari oo aysan garaneyn halka ay jaaniyo cirib dhigeen.
Sadex askari oo ka tirsan ciidamadooda oo ku dhaawacmay dagaalkii ugu dambeeyay ayuu xusay in loo qaaday istbitaal ku yaala degmada Dhoobley.
Gaadiid dagaal oo gaaraya illaa 7 gaari ayuu sheegay inay Al-Shabab uga gubeen dagaalkaasi waxaana uu intaasi ku sii daray inay ka qabsadeen hub fara badan .
Sidoo mar uu kahadlay warar ay Xarakadda Al-Shababbaahisay oo ku saabsanaa in ciidamadooda ay gudaha u galeen degmada Afmadow ayaa waxaa uu ku sheegay inay tahay mid been abuur ah oo aysan waxba ka jirin sida uu yiri.
Xarakadda Al-Shababna shalay magaalada Kismaayo waxay ku soo bandhigtay maydadka askar ku geeriyooday dagaaladii ugu dambeeyay ee Jubbooyinka ka dhacay.
_______________________________________
Share on Facebook
![]() |
Socialize