Faarax Qarre oo ka hadlay maraakiibta ku sugan biyaha Soomaaliya

Taliska Ciidamada Bada soomalia ayaa waxaa uu Eedeyn kulul ujeediyay maraakiibta Shisheeyaha ah ee ku sugan Xeebaha wadanka Soomalai waxaana uu dalbaday in lala xisaabtamo dowladaha iska leh Maraakiibtaasi oo uu sheegay in dhibaato badan ay ka wadaan Bada Soomalia .

Admiraal Faarax Qare Taliyaha Ciidamada Bada Soomalia oo u waramay idaacada kulmiye ayaa waxaa uu sheegay in Maraaakiibta Shisheeye Ee ku sugan Xeebaha wadanka Soomalia ay xaaalufin ba.an ku hayaan Kheyraaadka bada Soomalia.

Isagoo intaa ku daray in ujeedkoodu yahay in ay ka Faa.iideestaan Kheyraadkaasi wararka ay sheeganayaan ee ah in ay la dagaalamayaan burcad badeedana uu yahay mid been abuur ah dano gaar ahna ay ka leeyihiin .

Waxaa uu dalbaday Mr Faarax Qare in lala xisaabtamo Dowladaha iska leh Maraakiibta xaalufinta ku haya Kheyraadka Bada Soomalia.

________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 2, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.