Kooxo ku labisan dharka ciidanka DKMG Somalia oo qof rayid ku dilay Muqdisho

Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda ayaa nin rayid ah ku dilay Xaafadda Towfiiq degmada Yaaqshid ee gobolka Banaadir. Dad deegaanka, kana gaabsaday magacyadoodu ayaa sheegay in Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada Dowladda ay istaajiyeen ruuxa la dilay islamarkaana ay waydiiyeen Mobile-ka gacanta lagu qaatay, hase ahaatee markii uu ka dhaga adeegay ay rasaas la dhaceen.

Goobjoogayaasha ayaa sheegay in ninka la dilay laga dhacayay Mobile uu watay, islamarkaana uu diiday in laga qaato, taasina ay keentay in Kooxaha ay rasaas oodda kaga qaadaan.

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa gaaray, inkastoo baaritaanno ay sameeyeen aan la ogeyn cidda ay kusoo qab qabteen.
Xaaladda ayaa degan, waxaana dilkaani uu qeyb ka yahay kuwa inta badan ka dhaca Magaalada Muqdisho, iyadoo ay jiraan Kooxo ku labisan dareeska Ciidamada dowladda oo dhac iyo dhibaatooyin kala e u gaysta dadka rayidka ah.

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 2, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login