Qasaaro ka dhashay duqeymo xalay lagu garaacay magaalada Kismaanyo

Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo Ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in duqayntii xalay uu magaaladaasi u geestay Markab Dagaal oo ay leedahay dowlada wadanka kenya in ay Geysatay Khasaaro Soo gaaray Dadka shacabka ah .
Dadka ku dhaqan magaaladaasi ayaa waxaa ay sheegayaan in ay jiraan Khasaarooyin badan oo ka dhashay Duqeynta Markabka uu xalay ka geestay Magaalada taa oo soo gaartay dadka shacabka.

Waxaa la arkayay dad badan oo uu dhiig ka daadanayo oo laga soo saarayo dakada wayn ee Magaalada Kismaayo ku waas oo ku wax yeeloobay Duqeyntii Markabka lamina oga in ay yihiin kuwo dhintay iyo kale sidaas waxaa idaacada kulmiye u sheegay mid ka mid ah dadka deegaanka .

Dhinaca kale waxaa saaka ka bilawday Magaalada Kismaayo Ee G/Jubada hoose barakac xoogan oo ay sameynayaan dadka deegaanka ku waas oo cabsi xoogan ka qabta in mar kale duqeyn loo geesto la mid ah tii xalay kuwii ka horeyay intaba .

Magaalada Kismaayo ee Xarun Goboleedka Jubada hoose ayaa mudooyinkii dambe waxaa si aad ah u kacsanaa xiisadeeda waxaana dhowr mar duqeyn loo geestay ay sababtay Khasaaro badan oo soo gaaray dadka Shacabka ah .

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 2, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login