Barakac xoogan oo ka soconaya Magaalada Kismaayo

Magaalada kismaayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ayaa waxaa laga soo sheegayaa caawa in halkaas uu ka jiro Barakacii ugu balaara ee ka dhaco halkaas iyadoo xaalada magaaladu aay kasii dareeyso xili ciidmada Kenya aay sheegteen duqeymihii xalay iyo shalay ku dhacaayey magaalada , dadku dhaqan magaalada ayaa bilbay barakaca ka dib markii gawaari lagu soo xiray sameecado ku was oo aay leeyihiin xarakada Alshabaab loogu yeeray dadka ineey ka barakacaan halkaas ,

Daka qaar ayaa usoo baxsanaayo magaalada muqdisho iyo waliba gobolada koonfureed ee dalka halka qaar kaloo ka midana aay soo gaarayaan goobaha ku dhaw dhaw magaalda iyagoo ka cabsi qaba in madaafiicda leesla dhacaayo aay wax yeelo kasoo gaarto  xili halkaas laga dareemaayo dhadhaqaaq aay sameynayaan xarakada Alshabaab .

Qaar ka mid ah Barakacayaasha ayaa sheegaya in arinta ay ka barakacaay ay tahay Duqaymaha Joogtada ah ee kusoo dhacaya magaalada Kismaayo kuwaasi oo dad fara badan oo Rayid ah ay ku waxyeloobeen , iyaga oo intaa si Raaciyay in xalay ilkaa saaka ay si is daba joog ah usoo dhacayeen Madaafiic xoogan oo lagu garacayo Xaafadaha magaalada kismaayo .

Magaalada Kismaayo ee Xaruunta Gobolka Jubada Hoose ayaa waxaa gacanta ku haya xarakada Al Shabaab waxaana mudooyinki u dambeyay Ciidamada Bada ee Dalka Kenya ay Madaafiic aad u xoogan ku garacayeen Magaalada Kismaayo taasi oo dhibaato xooganay kasoo gaartay dadka shacabka ah ee ku dhaqn Magaalada Kismaayo .

______________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 4, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login