Ciidamada xooga dalka ayaa la wareegay maanta goobo cusub oo ka tirsan gobolka shabeelada dhexe kuwaas oo haray aay gacanta ugu hayeen xarakada Alshabaab, ciidamada oo saaka qaaday howl gal kula wareegeen Garoonkii Diyaaradaha ee Cisaleey iyo Dekedii macmalka aheyd ee Ceel Macaan oo dhacda duleedka waqooyi bari ee Magaalada Muqdisho .
Inkastoo horay Saraakiisha dowladda ay sheegteen inay la wareegeen labadaas goobood, balse ay dib uga soo laabteen, ayaa hadana Saraakiisha Ciidamada ay xaqiijiyeen in haatan si buuxda gacanta ugu hayaan dhamaan goobahaas iyo waliba wadada dhiririsa dhanka xeebta.
Abaanduulaha Ciidamada dowlada Jen. C/kariin Dhega-Badan ayaa sheegay in saaka howl gal wada jir ay qaadeen Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kula wareegeen labadaas deegaan istiraatiijiga ah, isagoo xusay inay haatan xaqiijiyeen ammaanka inta u dhaxeysa degmada Balcad iyo Xeebta.
Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in howl galkan uu qeyb ka yahay howl galada ka socda dalka, isagoo xusay in qorshaha ay ku qabteen deegaanada u dhow dhow Caasimada ujeedkooda yahay sidii ammaanka magaalada Muqdisho u xaqiijin lahaayeen.
_________________________________________________
Share on Facebook
![]() |
You must be logged in to post a comment Login