Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya Xuseen Carab Ciise,Siyaasadu waa tab iyo xeelad saaxiibnimo joogta malaha, ha ka dhicin Salaanka – Jaranjarta- Xejiso

Wasiirka Gaashaandhiga Somalia Xuseen Carab Ciise waa Wasiirkii ugu nasiibka badnaa Geyiga Somalia tan iyo xiligii ay dhacday Dawladii Kacaanku, Xuseen tan iyo intii uu xilka qabtay Wasiirka gaashaandhiga waxa suuragashay in Magalada Muqdisho-Afgooye-Jawhar-Baladweyne-Marka ay gacanta ku dhigto,hawlyarna kuma iman nabadaasi naf iyo maal aya ku baxay,ciidamada Somaliya oo kaashanaya ciidamada Uganda iyo Africanka aya soo hooyey guushaas Taariikhiga,kuna abuurey dhamaan Umada Somali rajo aad iyo aad u weyn.

Taariikhdaas waxa iska leh oo baal dahaba u noqoneysa Wasiirka Gaashandhiga Somalia Wasiir Xuseen Carab Ciise,waa markii ugu horeysey laga soo bilaabo 1991 ay Magalada Muqdisho noqoto Magalo ay gacanta ku wada hayso Dawlada Somalia waana rajo iyo iftiin aad u weyn.
Waakuma Xuseen Carab Ciise?
Xuseen Carab Ciise kama hayo Taariikhdiisa oo dhan hase ahate intii uu ku soo biirey Siyaasada Somaliya aya la wada bartey,markaa Taariikhdiisa warbaahinta ku jirta ayuunban soo gudbin karaya,Xuseen waa Nin Qoyskiisu ka soo jeedan Magalada Muqdisho,Aabihiina Magalada Muqdisho Magac iyo Ganacsi ku lahaa,Xuseen Carab Ciise waa dhalinyaradii ugu horeeyey ee u waxbarasho doontey wadanka America 1980,Xuseen wadanka America ayuu tegay isaga oo aad u yar waxbarashadiisana ku soo qaatey,xiligii uu ku soo noqonlaha wadankiisana waxa dhacay dagaladii lagula jirey Dawladii Kacaanka,kadibna dagaladii waa kuwii isku bedalay dagalo sokeeye,Muwaadinkasta oo Somali ah intii dibadaha ku noola wadamada ay ku noolyihiin ayey ka qaateen dhalasho ay ku deganadan wadamadas.
Dhalinyaro badan sida Raysalwasarihii hore Farmaajo iyo Raysal wasarihii ku xigey Cabdi Wali,aya badankoodu nasiib u helay in ay xilal ka qabtaan Dawlada uu madaxweyne ka yahay Madaxweyne Sheekh Shariif,dhalinyaradan badankoodu waa rag aqoon leh una ooman in ay aqoontooda wax ugu qabtaan wadankooda Somalia,nolosha America marka qofku ku raago wuu garan karaya nolol qiimo badan leh maha,Nina wadankiisa Hooyo wax u dhama ma jiro.
Xuseen Carab Ciise waa Nin hadal gaaban qunyar u socoda,doonayana in uu barto shaxda Siyaasada Somalia,hase ahate waxad mooda in uu yahay Nin kaligiis iska socda oo aan ku xidhneyn Beesha uu ka dhashay ee Dir,waa sida aan u arko iyo canaanta aan u soo jeedinayo Xuseen.
Hadaan hadalka si kale u dhigo waxad mooda Awoodiisii in uu jeebka ku ritey saaxiibkiis Cabdi Wali waa Raysal wasaraha xiligan waxtigiisii dhamaday,waa run Cabdi Wali fursad wuu siiyey saaxiibkiisa ay America wada joogeen,taasina waa mid Ragu abaal iskugu hayo,hase ahate Kursiga uu ku fadhiyaa Xuseen Carab Ciise waa Kursigii Beesha Dir Koonfur,Kursi ay Gacmaha u dhigteen oo ay soo dawarsadeen maha,sida Hawiye ku helay Kursiga Madaxweyne-Daaroodna ku helay Kursiga Raysal wasare-Digil ku heleen Baarlamanka- aya Beesha Dir- iyaguna ku heleen Kursiga Wasiirka Gaashandhiga.
Raysal Wasare Cabdi Wali waa Nin ku xidhan Beeshiisa hiil iyo hooba- hase ahate sababta- uu siyaasada qaboow u ciyaarayo Xuseen Carab Ciise aya ah isaga oo Beeshiisa uu ka dhashay sameysteen Dawlad u gooniya Somaliland,halkaas hiil iyo hooba wuu ku waayey Xuseen,waa sababta keentay in uu dhex galo Siyaasad sadex Geesooda midba midka kale Mindi dhabarka kaga hayo,waa Madaxweyne Sheekh Shariif-Gudoomiyaha Baarlamanka Shariif iyo Raysal wasare C/Wali…waa sababta keentay in uu muujiyo dhexdhexaad nimo marna Raysal wasaraha C/Wali marna Madaxweyne Sheekh Shariif.
Xuseen C Ciise isaga oo ay sugeyso hawl aad u weyn waa Wasaaradii ugu hawsha badneyd Somalia (dab iyo naar),ayuu hadana dhex galay Beelo isku wada haysta Gudin waana sadexda Beelood ee ku hirdamaya talada wadanka Somaliya xiligan lagu jiro-Hawiye-Daarood-Digil.-Beesha Dir kaalinteedii wey is dhintey sababtu tahay laba Maamul ayey ka taliyaan waa Dawlada Jabuuti,iyo Dawlada hada sugeysa ictiraafka Somaliland,sababtaas aya keentay awoodii Beesha Dir in aanay ka muuqan Muqdisho.
Madama lagu jiro xili rajo haboontahayna in la gudbiyo Qoraalo qaboow oo Umada isku keenaya,laguna jiro xiligii doorashada Madaxweynaha,dib ayan u dhiganaya hadalkeyga Dacarta.
Talo ayanse u gudbinaya Wasiirka gaashandhiga Xuseen Carab Ciise,taladas oo ah in uu- ogaado Kursiga uu ku fadhiyaa in uu yahay Kursigii Beesha Dir Koonfur,waa in uu qadariyaa Beesha Dir Koonfur lana kulantaa oo la shirtaa Beesha aad Kursigooda ku fadhido,Kursigani maha Kursi si hawl yarana uu kugu siiyey Raysal wasare C/Wali hase ahate fursad saaxiibnimo ayuu ku siiyey taas macnaheedu maha aynu isku mawquf noqon? Beel ayuu ku xidhan yahay talana ka qaata sidoo kale adigana waxa kugu waajiba in aad talada ka qaadatid Beesha Dir Koonfur,saaxiibnimo iyo danta guud marmar aya jira aanay isku wado mari karin taas ogoow.
Wasiir Xuseen Carab Ciise ha ka dhicin jaranjarta Siyaasada daxaleysatey ee Somaliya sidaas aad ku socoto ku wad qunyar socod hase ahate waa in aad badisaa kulanka iyo wada tashiga Beesha aad ku fadhidid Kursigooda Dir Koonfur,sharaf iyo qadarin ayey kuu hayaan dhamaan Umada Somali hase ahate Siyaasadu saaxiibnimo joogtaa ma laha waa tab iyo xeelad Turubka oo si wacan aad u ciyaartid,intaas ayaan ku soo koobaya qoraalkaygan waxana rajeynaya Inasha Allah in Dawladii Somaliya xiligan u dhalataba ay u magacaabi doonan Xuseen Carab Ciise xil weyn,sababtu tahay waa Nin sumcad wanaagsan ka sameystey dhamaan Umada Somaliyeed guul ayaan u rajeynaya Mudane Wasiir Xuseen Carab Ciise Guuleyso Wasiir.
Khan Maxamed Farah | kjawil@hotmail.com | Vancouver, Canada.
_________________________________________________

Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 4, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

2 Responses to Wasiirka Gaashandhiga Soomaaliya Xuseen Carab Ciise,Siyaasadu waa tab iyo xeelad saaxiibnimo joogta malaha, ha ka dhicin Salaanka – Jaranjarta- Xejiso

  1. Madaxweynaha mustaqbalka Somalia.

    Ha noolado wasiirka gaashandhiga Xuseen Carab Ciise iyo General Dhaga badne waa 2 nin oo Dir ah.

    Sharaf, marnaba kama maqna Qabyaaladu tala Aduunka oo dhan America iyo Canada nimaan Irish ahyn kama taliyo Obama Hooyadiis aya ah Irish ka soo jeeda qoyska boqortooyada Ameerica reer Kanady.

  2. Warbahintu xitaa qabiil ayey u ol olaynaysaa k k k k halkan iyo qormadan waxa ku soxirmay jiritanki iyo xushmadi warqaad oo lamodayay dhax dhaxaad k k k

You must be logged in to post a comment Login