AMISOM & DKMGS oo kusii siqaya Jowhar

Ciidamadda Militariga ee Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, ayaa waxay ku sii dhawaanayaan qabashada Magaalada Jowhar ee Xaruunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamadda Dowladda SOomaaliya oo garab ka helaaya Ciidamadda Amisom oo shalay bilaa dagaal kula wareegay Deegaanada Ceel Macaan iyo Cisaley, ayaa waxay xilligaan u jiheysteen qabashada Magaalada Jowhar.

Dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh oo laga dareymaayo inta u dhaxeyso Magaalada Muqdisho iyo Degmada Balcad, ayaa waxaa lagu doonayaa in Xoogaga Shabaab looga saaro Magaalada Jowhar.

Afhayeenka Ciidamadda Militariga ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Dowladda Daa’uud Xaaji Ciiro, oo la-hadlay Saxaafadda Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay inay ku sii dhawaanayaan Magaalad Jowhar.

Afhayeenka ayaa sheegay in uu rumeysan yahay inay meesha ka saari doonaan Al Shabaab, waayo buu yiri Al Shabaab malaha wax awood ah, taasoo uu sheegay inaysan ku hor istaagi karin Ciidamadda Dowladda iyo Amisom.

Si kastaba ha-ahaatee Al Shabaab ayaa waxaa muuqaneysa in looga gacan sareeyo hawl-galada ay Ciidamadda Dowladda iyo kuwa Amisom ay ka wadaan Gobolada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose.

________________________________________________
Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 5, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.