Bogga Aljazeera oo la dhacay

Koox daacad u ah nidaamka Bashar al-Asad ee dalka Siiriya ayaa maalintii shalay jabsadey ama Hack-gareeyey website-ka Telefishanka caalamiga ah eeAl-jazeera, waxaana dhibaatadu ay wada gaartey labada qaybood ee uu ka kooban yahay English iyo Carabi.

Kooxda ka danbeysey weerarka lagu qaadey AL JAZEERA ayaa isku magacaabey al-Rashedon, waxaana ay ku soo qoreen website-ka:

Tani waxa ay jawaab u tahay booska aad ka qaadatey dadka iyo xukuumadda Siiriya, gaar ahaan taageerada aad u haysaan kooxaha argagaixisada ah, iyo wararka been abuurka ah ee aad samayneysaan” Waxaa sidoo kale Bayaanka ku qoran “Websitekaaga Waanu Jabsaney”, taasina waa jawaabta aan bixineyno.

Tan iyo markii ay bilowdeen kacdoonada dalalka Carabta, Telefishanka al-Jazeera waxa uu siinaayey muhimad gaar ah, waxaana ay u joojiyeen barnaamijyadii caadiga ahaa iyaga oo si toos ah mudaaharaadyada u soo tebinayey.

_____________________________________________________
Share on Facebook

Other Interesting posts:

Posted by on September 5, 2012. Filed under Warka Maanta. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Responses are currently closed, but you can trackback from your own site.

You must be logged in to post a comment Login